Wasiirka Maaliyadda oo Xadhiga ka Jaray Kastamka Ina guuxaa

0
270

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa xadhiga ka jaray dhismaha Kastamka Ina guuxaa ee dagmada Sallaxley oo si rasmi ah shaqada u bilaabay shalay.

Munaasibad ballaadhan oo shalay loo sameeyey furitaanka kastamka Ina guuxaa ayey kasoo qayb galeen xubno katirsan golaha Wasiirada, xildhibaanada Golaha Wakiilada Guurtida iyo deegaanka Sallaxley iyo Hargeysa, Madax dhaqameed iyo Odayaasha deegaanka.

Maamulka dagmada Sallaxley iyo qaybaha bulshada deegaanka Ina Guuxaa ayaa soo dhaweeyay furtitaanka kastamka iyagoo xukuumadda uga mahad celiyay furitaanka kastamka Ina guuxaa.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Guddoomiyaha gudida Maamul Wanaagga, xildhibaano ka tirsan Guurtida, Wakiilada iyo deegaanka Hargeysa ayaa bogaadiyay kastamka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ka furatay deegaanka xudeedda ee Ina Guuxaa.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa si rasmi ah xadhiga uga jiray kastamka ina Guuxaa isagoo sheegay wax walba loo dhamaystiray, diyaarna kastamku u yahay inuu shaqadiisa bilaabo.

 

Leave a Reply