Cunto xumada oo la ogaaday in ay tahay dillaaga ugu weyn

0
492

Sannad kasta cuntada aan cunno ee aan dheelitirnayn ayaa la sheegay in u dhintaan 11 milyan ka hor sida lagu sheegay daraasad cusub oo soo baxday.

Daraasadan ay samaysay xarunta Lancet ee sumcadda badan, ayaa lagu sheegay in cuntada ay ka halis badantahay sigaarka xitaa oo loo malaynayay in uu yahay dilaaga ugu weyn.

Waxyaabaha farta lagu fiiqay ayaa waxaa ka mid ah cusbada,, haddii roodhida lagu cuno suugo ama cuntooyinka lagu kariyo – waxay waxyeelo u geysanaysaa qofka caafimaad ahaan haddii aanan laga taxadarin.

Cilmi baadhayaashu waxay yidhaahdaan daraasadani ma aha mid ku saabsan cayilka, laakiin “tayada liidata” ee cuntada ayaa waxyeelaysa wadnaha waxayna keeni kartaa kansarka.Haddaba cunto nooce ah ayaa ii wanaagsan aniga?

Dhibaatada caalamiga ah ee daraasada cudurada ayaa ah tan ugu weyn ee samaysay qiimeynta ugu sareysa ee sida ay dadku ugu dhimanayaan waddan kasta oo adduunka ah.

Taxliilintii ugu danbeesay ee la isticmaalay si loo qiyaaso waddamada iyo caadooyinkooda cunto iyo in la ogaada sida habkooda cuntada uu geerida dagdaga ah u sababo.

Cuntooyinka halista leh:

1.Cusbada saa’idka ah – saddax milyan oo qof ayay dishay

2.Cuntada ay ku yar yihiin Midhaha la cuno – saddex milyan oo qof ayay dishay

3.Cuntada ay ku yar tahay khudaarta la cuno ah – laba milyan oo geeri ah

In aad u hooseeysa oo ah lawska, midhaha, khudaarta, maaddada omega-3 oo cunooyinka badda laga helo ayaa ah kuwa kale ee sababi kara xaalada dhimashada

“Waxaan ogaanay in cuntadu ay tahay waxa ugu horeeya ee aduunka caamifaadka saamaynta ku leh, dhab ahaantii waa mid aad u qoto dheer”, ayuu yidhi agaasimaha machadka qiimaynta caafimadka ee jaamacadda Washington.

 

Sidee arrintani u sababi kartaa geeri?

Ku dhawaad 10 milyan oo ka mida 11 kii milyan ee aan hore usoo sheegnay ayaa u geeridoodu sababo la xidhiidha xanuunada ku dhaca habdhiska dhiig mareen ka(wadnaha iyo xididada dhiigga), taasina waxay cadaynaysaa sababta ay cusbadu u tahay dhibaato aad u wayn

Cusbada badan waxay kor u qaada cadaadiska dhiiga taasi waxay kor u qaadaysaa khatarta ka dhalan karta inuu wadnaha istaago ama shalal kugu dhaco.

sidoo kale cusbada ayaa saamayn toos ah ku yeelan karta wadnaha iyo xididdada dhiigda sida, iyadoo sababaysa inuu wadnaha istaago marka ay xubinta wadnaha si fiican u shaqayn wayso.

Midhaha, khudaarta lacuna iyo mida la kariyo ayaa iyagu saamayn taas ka duwan leh oo waxaa loo yaqaan”cardioprotective” ama ‘ difaaca wadnaha’ waxayna hoos u dhigaan khatarta ka imaan karta wadnaha. Cuntooyinkani waxay badbaadin karaan ku dhawaad 10 milyan oo qof. (Ilaahay ayaa wax badbaadiye’e).

Maxaan ooga faa’iidaysan waynay?

Prof Nita Forouhi, oo jaamacadda Cambridge ka tirsan ayaa tidhi ” waxaa laga aaminay inay yihiin cuntooyin yar oo ay ku badan yihiin duxda iyo tamarta, laakiin waxaa ka buuxda dux caafimadka u wanaagsan”.

“Dadka qaarna uma arkaan inay yihiin cuntooyin muhiim ah mida labaad na waa qaali qiimahoodu”.

Waxaan moodayne in sokorta iyo hilibka ay caafimaadka u daran yihiin?

Sannadadii danbe waxaa aad loo hadal hahay in sokorta cayilka ay keento hilibka gudduudana uu keeno kansarka.

“Dhibaatooyin way keeni karaan sokorta iyo hilibka laakiin waxaa ka daran hadii aan khudaarta, miraha, cuntooyinka aan la buunsho bixin, iyo waxii lamida aan si fiican loo qaadan”. Sida waxa yidhi Prof Murray.

Cilmi baadhayaashu waa xiligii ay dadka ku dhiirigalin lahaayeen in ay kor u qaadan isticmaalka cuntooyinka caafimaaadka u fiican halkii ay ka digi la haayeen cuntooyinka xun.

Leave a Reply