Golaha Guurtida oo Codka Kalsoonida u Qaaday Mudane ka Tirsan, Doodna Ka Yeeshay Horumarinta Jidadka Dalka

0
269

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah kaga aqbalay iscasilada xildhibaan Cawil Xuseen Axmed, oo ka mida raggii lagu aasaasay golaha guurtida.

Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golahaasi, mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa waxa mudanayaasha golahaasi waxa ay cod aqlabiyad ah iscasilaadii kaga aqbaleen xildhibaan Cawil Xuseen Axmed, kadib markii mudanayaashu cod ay u qaadeen waxa ogolaaday 52 mudane, cid diiday ma jirto, cid ka amuustayna ma jirto, guddoomiyuhuna mu codaynin, sidaasi ayaanay iscasiladiisii ku ansaxday.

Sidoo kale mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa dood iyo falanqayn ka yeeshay horumarinta waddooyinka dalka iyo sidii dayactir loogu sameynlahaa, iyaga oo mudanayaashu talo ahaan u soo jeediyay, maayirada magaalooyinka dalka in ay dabagalaan mashaariicda farsamayaqaanada jidadka dhisaya, isla markaana dawladdaha hoose ee dalku dardargeliyaan hawlaha lagu dayactirayo waddooyinka iyo jidadka dalka.

Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Faarax Buddeeye, ayaa soo jeediyay in laga waantoobo qashinka daadka la soo raacinayo.

Waxaanu yidhi.“Sida aynu ka warqabno waddooyinku waa halbowlaha bulshada, una baahan in wax laga qabto.

Haddaba bulshada caasimada ku nooli, waarde wadana waan doonaynaa, waxyeelana waynu ku wadnaa, wax isqabanayana maaha, waxaad arkaysa waddo laba haad noqon layd oo hal haad noqonaysa, halkaasi waxa kaga cadaanaysa in biyihii cidhiidhi galayaan, wax meelkale uga yimidna maaha ee bulshadii uunba ku soo durugtay.

Halka waxa kaga cad haddii aan maayir wax lala qaban, oo aan qashinka daadka la soo raacinayo laga dayn daad xoortu jidka ayay xidhaysa oo biyaha ayay u qabanaysaaye”

Xildhibaan Siciid Maxamed Cismaan Libaax, ayaa sheegay in waddan waxa horumarkiisu ku xidhan yahay, ay yihiin sida looga shaqeeyo horumarinta jidadka.

Waxaanu yidhi.“Waddamada adduunka ugu horumarsani jidadkooda ayaad ka garanaysaa, degmooyinka ugu horumarsana jidadkooda ayaad ka garanaysaa, haddii ay baaba’san yihiina waddankaasi waa uu baaba’san yahay, aboorkuba candhuuf ayuu wax ku dhisa ee aynu wax wada qabsano”

Xildhibaan Dayib Xasan ayaa kula taliyay dawladdaha hoose ee dalka in farsamayaqaanada ay u dirayaan binaynta jidadka dalka ay aqoon iyo xirfad ku xushaan.

Waxaanu yidhi. “Haddii wastaad biriish same layidhaahdo ma sameynayo, marka waxaan soo jeedinlahaa in farsamayaqaano si jidadku tayo u yeeshaan in dawladdaha hoose ay keensadaan, kuwaas oo qorshaha ku darsada, in jidadku yeeshaan goobihii biyo mareenadii, biriishyadii iyo waxkasta oo jidadka mihiim u ah, oo dadweynaha iyo dawladdaba ay la kaashadaan.

Waxaan leeyahay waddooyinkeennu si ay u hagaagaan waa in farsamoyaqaano wanaagsan oo tayo leh waa in la helaa, oo jidadka ay u sameeyaan si ay muwaadinimo ku dheehan tahay”

Xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in aanay wacnayn in jidadka sifo qaldan oo sharciga baalmarsan looga faa’idaysto.

Waxaanu yidhi.“Waxaan soo jeedinayaa in dawladdaha hoose ee degmooyinka Hargeysa iyo Burco, in ay wareegto ka soo saaraan saddexda mitir ee ku meel gaadhka lagu sheegayo marka danbana dhismaya in la joojiyo.

Waddooyinku waa danguud in si gaar ah looga faa’idaystana maaha, waana xaaraan, sharciga islaamkana kuma banana, bini’aadamtinimadana kuma banaanaa, magaalooyinka aad madaxda ka tihiin bilicdooda iyo sharaftooda kuma banaanaa”

 

 

 

Leave a Reply