Hay’adda Shaqaalaha oo Agaasimayaasha Guud kulan u Qabatay

0
246

Qore: Maxamuud Walaaleeye

 

Hargeysa-(Dawan):- Hay’adda Shaqaalaha oo ayaa shalay qabatay kulan lagaga doodayey Xeerka Shaqaalaha Dawladda qeybta la xidhiidha waajibaadka Agaasimayaasha Guud.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Shaqo-gelinta iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Md. Khaalid, Gud-xigeenka Hay’adda Shaqaalaha, Agaasimeyaasha Guud ee Dawladda iyo masuuliyiin ka socday Mashruuca dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Maxamed Caynaanshe oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in ujeedada kulanku yahay sidii looga doodi lahaa xeerka shaqaalaha Dawladda, qodobka ka hadlayey Agaasimeyaasha guud.

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Md. Khaalid Jaamac Qodax oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay wax iska weydiinayaan Xeerka Shaqaalaha Dawladda ee dhowaan Baarlamaanku ansixiyey, Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi saxeexay, Xafiiska Garyaqaanka Guud-na ku soo saaray Faafinta Rasmiga ah. Kaalinta Agaasimeyaasha Guud, Waajibaadka uu xeerku farayo iyo waxyaalaha looga baahan yahay.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay ayaa sheegay in saddex qolo u adeegto bulshada, oo kala ah Dawladda, Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo Ururada bulshada.

Qeybta Dawladdu waa kaalinta ugu muhiimsan, oo shaqadeedu ka mid tahay inay adeeg bixiso, inay shuruuc samayso, oo shuruuc u samayso Ganacsiga gaarka iyo Ururada Bulshada.

Wasiirka Cadaaladda Md. Saleebaan Warsame Guuleed  oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu kulankani daba socdo barnaamijka dib-u-habaynta shaqaalaha.

Wasiirka Shaqo-gelinta Md. Mustafe Cali Bile oo ah Gudoomiyaha Mashruuca dib-u-habaynta shaqaalaha Dawladda oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in fikirka in Agaasimaha guud Shaqaale noqdo ahayd mid ay soo jeediyeen Agaasimeyaasha Guud, maanta (shalay) waxa la idiinku yeedhay waa hirgelinta xeerka Shaqaalaha Dawladda.

 

Leave a Reply