Wasaaradda Hawlaha Guud oo Daah-furtay Qorshe-magaaleedka Burco

0
213

Qore. Saleeban Kalshaale

Burco(Dawan)-Wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo arrimaha dhulka, ayaa daah-furtay qorshe-magaaleedka Magaalada Burco oo ku jira qorshaha guud ee horumarinta qaranka munaasibad lagu qabtay Magaaladaasi maalintii Arbacada shalay oo Arbaca ahayd.

Qorshahan oo ah mid loo fulinayo laba waji oo kala in la qorsheeyo dhul cusub oo magaaleed iyo in degsiimadii hore ee magaalada wax laga qabto, wakhtiga waaritaankiisuna yahay 15ka sannadood ee soo socda, ayaa waxa furay Wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, waxaana ka qaybgalay xubno kamida Golaha Wasiirrada, maamulka gobolka Togdheer, Degmada Burco, madaxdhaqameed, waxgarad, ganacsato iyo xubno kamida haldoorka Magaaladaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud Cabdilaahi Maxamuud Jiidhe oo ugu horayn halkaas ka hadlay, ayaa ka waramay sida ay wasaaraddu dedaalka ugu jirto fulinta qorshe-magaaleedyada dalka oo dhan, waxaanu sheegay inay Burco tahay degmadii lixaad ee laga sameeyo.

“Qorshani waa kii lixaad ee laga sameeyo degmooyinka derejada A-da, waxa ka horeeyey degmooyinka Laascaanood oo lagu bilaamay, Boorama, Ceerigaabo, Berbera, Gabiley iyo Burco oo hadda laga fulinayo”ayuu yidhi Agaasime Jiidhe.

Maayarka Magaalada Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero), oo xaflada ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey mashruucan wasaaraddu hogaaminayso, waxaanu dardaaran u jeediyey dadweynaha Burco.

waxaanu yidhi “waxaynu baahanahay inaynu magaaladeena qorshaysano oo waa magaalada labaad ee ugu weyn  dalka, magaalada ugu soo xigta xagga dhismahana waxay ka weyn tahay laba jibaar iyo badh, waxaynu baahanahay inaynu soo dhaweyno oo aynu hormuud u noqono fulinta hawshan qorshe-magaaleedka si laynoogu qurxiyo magaaladeena. Magaaladu iminka waa afar degmo, lama yaqaano degmo kamida inta Masaajid ee ku yaalla, markaa waxaynu doonaynaa degmo walba in laga helo meelihii lagu qaban lahaa adeegyada danta guud”

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed C/laahi Nafaqo, ayaa sheegay inay si mug iyo miisaan leh uga qayb-qaadanayaan fulinta qorshahan.

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa sharaxaad ka bixiyey muddada lagu jaangooyey raandhiiska qorshe magaaleedkani, waxaanu tilmaamay in 15 sannadood loo asteeyey.

“waxaynu u joognaa in magaalada Burco laga sameeyo qorshe magaaleed shan iyo toban sannadood ah. qorshahan waxa loo fulinayaa laba waji. wajiga koowaad waxa la qorsheynayaa dhul cusub, kan labaadna waa in magaaladii hore u jirtay wax laga qabto, magaaladii hore waxa laga qabanayaana waa arrin u baahan in aad iyo aad looga taxadiro, markaa guriyihii hore wixii ka xumaa waa la hagaajinayaa, laakiinse qorshaha aynu samaynaynaa waa Magaalada Burco ee cusub”

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Cumar Cabdilaahi Badde, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Axmed Jibriil Axmed iyo masuuliyiin kale oo socday laamaha dawladda ayaa ku booriyey bulshada reer Burco inay la shaqeeyaan wasaaradda fulinta barmaamujkan iyo hay’addaha kale ee kala shaqaynaya.

Xubno kamida madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo hormuudka bulshada oo madasha ka hadlay, ayaa balanqaaday inay doorka kaga aaddan bulshada horseed u noqon doonaan, waxaanay dareen wadar-ogol ah ku muujiyeen ahmiyadda uu leeyahay iyo baahida ay degmada Burco u qabtay.

Burco, ayaa kamida magaalooyinka safka hore kaga jira nidaam-samida degsiimada magaaleed, dhul ahaaneed iyo dhismeed, waxaanay leedahay waddooyin waafi ah iyo meello badan oo ay dejinta qorshe-magaaleedkani u sameyn doonto ujeedooyin looga faa’ideeyo.

 

Leave a Reply