Ciidanka Booliiska Oo Gacanta ku Dhigay Maandooriye Tiro Badan

0
178

Hargeysa (Dawan)- Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ku soo qabtay 419 litir oo khamri ah, saddex eedaysane iyo baabuurkii lagu siday.

Afhayeen u hadlay ciidamada booliiska, ayaa sheegay in ciidamada booliiska, millateriga iyo shacab iskaashaday ay maandooriyahan gacanta kusoo dhigeen, shalay abaaro 1:00 duhurnimo.

Waxaanu yidhi.”Shalay oo bishu ahayd 22, saacadu markay ahayd 1:00 duhurnimo, ciidanka booliiska ee saldhiga Maxamed Mooge, taliyaha rugta Digaaale, rag kale oo ciidanka millateriga ka tirsan iyo shacaba, waxay soo qabteen 419 litir oo dry gin iyo saddexdii eedaysane, iyo gaadhigaa land cruiser ka ah”.

Waxa kale oo uu sheegay in maandooriyuhu yahaya wax baabi’inaya nolosha bini’aadamka, isla markaana boolisku habeen iyo maalin heegan ugu jiro sidii uu uga hortagilahaa khatarta ka dhalanaysa.

Waxaanu yidhi.“Waa guul weyn oo la gaadhay, bulshada xaafada iyo booliska hawshaasi qabtay, sida aad ka warqabtaan khamriga iyo mukhaadaraadka kale ee boolisku la dagaalamo waa wax khatar ku ah dhaqanka iyo dabaceeda iyo hab dhaqanka bulshada, iyo nolosha, waana wax baabi’inaya nolosha qofka.

Sidaasi darted si boolisku u ilaaliyo caafimaadka iyo dhaqanka haggaagsan wuu la dagaalama, wuu soo qabtaa, wuu ka hortaga, la dagaalan iyo ka hortag ayuu ku sameeya mukhaaradaraadka oo khamriga ina horyaala ka mid yahay,”

Ciidanka booliiska ayaa digniin u diray cidkasta oo ku foogan ka ganacsiga maandooriyaha sharcidarada ah, waxayna sheegeen in sharciga lala tiigsan doono cidkasta oo lagu qabto iyaga oo faraha kula jira ka ganacsiga maandooriyaha.

“Dadka waxa ku hawlan waxaan uga digayaa inay waxaasi ka joogsadaan, wax aan naftooda u fiicnayn, bini’aadamka ay ku baabi’inayaan if iyo aakhiraba, danbi ku ah, gacanta booliskana marnaba kama baxsanayaan, oo waala qabanayaa,”

Booliiska Somaliland ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha kala duwan oo si qarsoodi ah Somaliland looga doo galiyo xuduudka Itoobiya iyo waddamada kale ee jaarka.

Dagaalka maandooriyaha lagula jiro oo adkaaday awgeed ayay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in ay dhisayso ciidan u gaar ah la dagaalankiisa.

 

Leave a Reply