Hargeysa: Dufcadii 13aad oo ka Qalinjabisay Cisbitaalka Sahan

0
240

Hargeysa (Dawan)- Cusbitaalka SAHAN oo lagu dabiibo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka ee Hargeysa, ayaa munaasibad u qabtay bukaano ka bogsaday xanuunadii oo xirfado la baray dhamaystay.

Xarunta SAHAN oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, ayaa lagu daryeelaa Dadka qaba xanuunnada dhimirka, iyadoo looga yimaaddo dalal badan oo Bariga Afrika iyo Caalamka intiisa kale ah, waxaana Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka, Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah.

Munaasibadda Qalin-jebinta ah, ayey ka soo qaybgaleen Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdixakiim Siciid Bustaale, Guddoomiyaha hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka Musuqa Liibaan Ismaaciil Cali, Agaasime waaxeedka Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Qoyska Filsan Xuseen, Masuul ka socday Xafiiska Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, Siyaasiyiin, Dhakhaatiir, Madax-dhaqameed, Waalidiin iyo Maamulka Xaruntaasi.

Xubno ka mid ah waalidiinta iyo Qoysaska Dadka Xarunta ku jira oo munaasibadda ka hadlay, ayaa maamulka Sahan Hospital uga mahad-celiyey dedaalka ay geliyeen horumarinta adeegyada xaruntan lagu daryeello Dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaanay ku baaqeen in xukuumadda iyo bulshaduba taageero ku garab-istaagaan Cusbitaalka Sahan.

Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Guddoomiyaha, ahna aasaasaha Cisbitaalka SAHAN ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba xanuunnada Dhimirka, ayaa ka war-bixiyey Marxalihii ay soo martay xaruntani iyo halka uu Maanta taagan yahay, waxaanu sheegay inay Maamul ahaan sii wadayaan dedaalka lagu horumarinayo xarunta, isagoo Laamaha Dawladdana u soo jeediyey inay gacan ka geystaan sidii xaruntu u sii wadi lahayd Daaweynta iyo daryeelka Dadka qaba xanuunnada dhimirka.

“Dadka aanu meesha ku hayno Xarunta waxaanu ku haynaa Dad xubnaha taranka iska jaray, waxay u baahan yihiin in la caawiyo runtii, xukuumada iyo dowladda Hoose waxaanu ugu baaqaynaa in dadkaas la soo caawiyo.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo isagu Dhagax-dhigay Cusbitaalka Sahan 13-sanno ka hor oo goobta cusbitaalku ku yaallaa ahayd meel cidla ah oo aanay wax dhismeyaal ahi ka jirin, ayaa maamulka Sahan Hospital ku ammaanay dedaalka ay geliyeen horumarinta adeegyada cusbitaalka, waxaanu Md Axmed Yuusuf Yaasiin uu bulshada iyo xukuumadda u soo jeediyey inay taageeraan Sahan Hospital oo uu xusay inuu hawl muhiim ah oo awood ahaan ay dowladaha oo kali ah masuuliyadeeda ka soo bixi karaan.

Xildhibaan Jamaal Cusmaan Cabdilaahi, Xildhibaan Siikaawi oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa ballan-qaaday inay xarunta Sahan la garab-taagan yihiin taageeradooda isla markaana dowlad hoose ahaan ay qorshaynayaan sidii miisaaniyad u gaar ah loogu samayn lahaa Cusbitaalka SAHAN.

Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka Musuqa Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Qoyska Filsan Xuseen, ayaa dhankooda ammaanka dedaal maamulka xarunta Sahan u galay horumarinta adeegyada Cusbitaalka oo ay ku baaqeen inuu wali u baahan yahay taageero dhaqaale oo uu ka helo Dowladda iyo Bulshadaba.

Agaasimaha waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta oo munaasibadda ka ballan-qaadday inay wasaarad ahaan cusbitaalka ka caawinayaan sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa Dadka ka bogsada Xannuunka dhimirka, ayaa maamulka Sahan Hospital u soo jeediyey inay hirgeliyaan xarun u gaar ah oo lagu daryeello Haweenka Qaba xannuunada Dhimirka.

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa soo af-meeray oo hadallo dar-daaran iyo dhiirri-gelin ah ka jeediyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cabdikariin Siciid Bustaale, ayaa ballan-qaaday inay wasaarad ahaan taageero ka geysanayaan horumarinta xarunta Sahan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply