Sh. Maxamed Haybe oo u Duceeyay Ergada Dhex-dhexaadinta

0
459

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe, kana mida culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadiisi Jimcaha ee shalay uu ka jeediya Masjidul Rashiid ee magaalad Hargeysa, ayaa ka hadlay sida loogu baahan yahay isgarabtago ergada ku jirta xalinta khilaafka sharci ee u dhaxeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Sheekhu waxa uu masaajidka uga duceeyay sulaadiinta, cuqaasha, culimada iyo waxgaradka, oo uu sheegay in ay isu xilqaameen iyaga oo aan cidna magac iyo manfac kaga doonayn, xalinta khilaafka dalka ka jira, waxaanu ILLAAHEY uga baryay in uu darajadooda kor u qaado, kelmadoodana kelmad sugan ALLE ka dhigo, sidoo kalena ILLAAHEY uu ka dhigo kuwii sababtooda uu ku suuliyo cadhada iyo calool xumada dhex taala dadka walaalaha ah.

Waxaanu yidhi.“Waxa dadka dabdamiska u ahi waa salaadiinta, cuqaasha, culimada iyo dadka hormoodka ah, balse ninka suldaanka ahi halka uu tagan yahay haddii uu fahmi waayo waa mushkilad.

In badan oo sulaadiinteena ka mida khayr ALLE ha siiyo, way fahamsan yihiin, waanay ka shaqeynayaan, waxaana ka mida kuwa maanta isu taagey in dadka walaalahooda u kala dab qaadaan oo heshiisiiyaan, iyo manfac iyo magic midna ka doonayn.

ILLAAHEY danbigooda ha dhaafo, darajoodadana kor haw qaado, ILLAAHEY wixii ay doonayaan oo if iyo aakhiraba oo wanaag ah ILLAAHEY ha siiyo, kelmadoodana kelmad sugan ALLE haka dhigo, arrimahana halka ugu munaasibsan ILLLAAHEY hakaga hagaajiyo, ILLAAHEY kuwii uu sababtooda ku suuliyo calool xumada iyo cadhada dhex taala walaalaaheen ALLE haka dhigo”

 

 

Leave a Reply