Xoolo-dhaqato u Naq-raacday Deegaanada Daad-madheedh iyo Guddoomiyaha Gobolka oo ka hadlay

0
698

Oodweyne (Dawan) Masuuliyiinta gobolka Daad-madheedh, ayaa kormeer xog ogaal u noqosho ah ku tagay degaanada ay soo gaadheen dadka abaarta ka soo hayaamay, xilli ay degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolkaasi ay ka jirto abaari.

Degaanada ay weftigu mareen waxa ka mid ahayd degaanka Gatiitaley, oo ay ku sugan yihiin dad xoolo dhaqato ah kuwaas oo ka soo hayaamay abaaro ka jira degaanadii ay markii hore deganaayeen.

Masuuliyiintan ayaa waxay bulshada degaanadaas ku sugan gaadhsiiyeen fariimo la xidhiidha in aan dhul daaqsimeedka laga oodan dadkaas xoola dhaqatada ah ee ku soo hayaamay si aanay uga dhicin wax dhibaato ku ah wada noolaanshaha bulshada.

Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh Maxamed Diiriye Xayd, ayaa u mahad celiyay bulshada ku nool degaanadii ay kormeerka ku mareen sida ay uga aqbaleen dalabkoodi ahaa in aan la kala oodan dhul daaqsimeedka

Waxaanu yidhi.“Dadka waxa keentay waa abaar, waxa keentay geedo la’aan, waxa keentay biyo la’aan, nin waliba waa uu jecla halkii ay xoolihiisu joogeen in ILLAAHEY Roob ku siiyo, balse may dhicin, halkana maanta inta la isugu yimid ayaa ALLE keenay, ILLAAHEY wuu inagu daawanaya nimcada meesha uu dhigay taagkasta halahaatee iyo ka abaartu wada sida ay u macaamilaan.

Marka waxaan ku faraxsanahay il iyo ishaaro ayaa ka hadha dadka, xoolaha gaajoonaya il iyo ishaaro ayay leeyihiin gaajoonayaa, dadka wadaana il iyo ishaaro ayay leeyihiin maanta haddii reer Gatiitaley iska duween isha iyo ishaaraddii waxaanu leenahay ILLAAHEY haydinka abaalmariyo”

 

 

 

 

Leave a Reply