Caaqilka Iyo Sixidda Gefafka Qoyska!

0
325

Markii uu quraacday ee uu lebistay ayuu shaqo tagay. Qolkiisa akhriska ayuu galay wuxu ahaa mid boodh badan oo shaashada TV-ga uu boodhku qariyay , wuxuuna kaga tegay muftaaxyadii xafiiskiisa.  Gabadhiisa ayuu ka codsaday inay qolka uga soo saarto  muftaaxyada uguna keento xafiiskiisa.

Markii ay qolka gashay ayay ku aragtay shaashadii TV-ga ee boodhka lahayd qoraalkan: “ Niyad iyo Kalgacal badan ayaan u hayaa Xaaskayga”.  Way khriday weedhihiisa, waana ay fahantay ujeedada oo ah baraarujin dhinaca nadaafadda ah.

Muftaaxii ayay u qaaday waxayna u raacisay fariinta ah: “ Way isoo gaadhay fariintaadu, waana aan ku dadaali doonaa nadaafadda, waxaan ku hayaa kalgacal aad u badan”.

Sidaasi ayuu  ninkaa caaqilka ahi u saxaa xaaskiisa haddii uu khalad ku arko isagoon niyadeeda waxba yeelin.  Dhaqanka wanaagsan abuur oo burburiya dhaqanka xun.

Leave a Reply