Golaha Guurtida oo Dib u Bilaabaya Hawshii Dhex-dhexaadinta Khilaafka Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka

0
269

Hargeysa (Dawan) Gudidii Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan u magacaabay xalinta Khilaafka ka dhex taagan Xisbiyadda Mucaaradka iyo Xukuumadda oo laga hakiyay ayaa lagu amray  in ay dib u bilaabaan hawshii dhaxdhexaadinta.

Qoraal shalay ka soo baxay Golaha Guurtida ayaa lagu sheegay in aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay xalinta Khlaafka taagan,isla,markaana lagu amray gudidii hore Golaha u Magacaabay xalinta khilaafka ka dhex taagan Xisbiyadda Mucaaradka iyo Xukuumada  in ay hawshii dhex dhexaadinta ay  bilaabaan.

Waxaana uu u dhignaa sidan. Mudanayaal waxaa la idin Farayaa in hawshii dhexdhexaadinta ee aad muddaba ku jirteen ee aan idinka hakiyey in aad dib u billawdaan, anigoo hore idiinku magacaabay arrintaasi taariikhdu markay ahayd:- 22/06/2022, Guddi ahaan in aad ka qayb qaadataan xalinta khilaafaadka hadda taagan iyada oo Golaha Guurtiddu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimahan,Golaha Guurtidduna doorkiisa ka qaadanaayo.waxa guddidan Golaha Guurtidda oo ka kooban 12 Xubnood, Guddoomiye u ah Suldaan Ismaaciil Suldaan  Cabdiraxmaan,sidoo kalena waxaa Xoghaye u ah Gudiddan Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda JSL Garyaqaan Cabdinaasir Aaden Beegsi.

 

 

 

 

 

Leave a Reply