Waxa Inagu Waajiba Shicib iyo Dawlad-ba Sidii Aynu U Heli Lahayn Koronto Jaban” Wasiirka Maaliyadda

0
202

Hargeya (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali ayaa ka hadlay caqabadaha ka jira qiimaha adeega laydhka, kaas oo uu sheegay in uu qayb lixaad leh ka yahay horumarka ay u baahantahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali waxa kale oo uu sheegay in ay tahay arrin waajib ah shicib iyo Dawladba sidii aynu u heli lahayn Koronto Jaban, maadaama oo aan horumar la gaadhi karin inta uu sarreeyo qiimaha adeega laydka, isla markaana loo baahan yahay koronto jaban oo la jaanqaada dalalka jaarkeena.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haykalka guud waxaa la moodaa inay dawladdu ka weyntahay qaybaha gaarka loo leeyahay. Laakiin xaqiiqdu waxa weeye waxay ay masuul ka tahay wax soo saarka boqolkiiba toban, inta kale waxaa gacanta ku haya qaybaha gaarka loo leeyahay. Haddii aynu doonayno horumar waa in aynu xoojino qeybaha gaarka loo leeyahay oo aynu qodxaha ka gurno.”

Wasiirku waxa uu itaai ku daray “Si aynu u horumarino qaybaha gaarka loo leeyahay, waxaa la sameeyay daraasad 2012-kii, qodobadii la is dultaagay ee qiimaynta lagu sameeyay waxaa ka mid ahaa is diiwaangelinta, cashuur bixinta iyo sidii loo heli lahaa koronto.”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire waxa uu intaasi ku daray “Daraasadaa waxa ka soo baxay in qofka doonaya in uu halkan ka sameeyo shirkad ay ahayd in uu qaado 11 tallaabo  waxay  ku qaadanaysay 29 maalmood  waxaa kaga baxayay siddeed boqol ilaa kun dollar, waxaad moodaysay in aynu inagu si ula kac ah u xanibnay horumarkeena. Illaahay mahaddii intaas wixii ka dambeeyay waxaynu samaynay horumar ballaadhan gaar ahaa dhinaca diiwaan gelinta liisamada ganacsiga iyo cashuur bixinta oo labadaba lagu samayn karo hab online ah.’

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Arrintaas horumar ballaadhan baynu ka samaynay laakiin macnaheedu maaha inaynu wada dhammaynay carqaladihii ka soo baxay daraasaddii 2012-kii, waxaa ka mid ah carqaladahaas helista dhulka, khaasatan ganacsatada doonaysa in ay warshado sameeyaan, iminka hadaan doonayo in aan wershad samaysto kharashka igaga baxaya dhulka iibintantiisa, nidaamintiisa iyo koronto keenistiisa ayaa ka badan wershada aan soo iibsanayo.”

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali waxa uu ka hadlay helista iyo qiimaha korontada laydka waxaanu yidhi “Arrinta caqabadaha korontada mid waa la xaliyay oo waa ta soo gelina oo markiiba waad helaysaa in laguu soo geliyo laakiin caqabada taagani waa dhinaca qiimaha laydhka, qiimaha korontadeedu wuu sarreeyaa, sidaa darteed inta qiimaha korontadeenu kor jiro horumarku wuu inaga dheeryahay, markaa waxa inagu waajib ah shicib iyo Dawladba sidii aynu u heli lahayn Koronto Jaban, markaa aad bay u kala fogyihiin qiimaha aynu korontada ka bixino iyo ka caalamka aynu doonayno in aynu la tartanno.”

 

Leave a Reply