Kooxda Chelsea oo Dhamaystirtay Saxeexa Xidiga Raphinha

0
239

Kooxda chelsea ayaa dhamaystirtay saxeexa xiddiga Raphinha kaas oo ay si Buuxda Leeds United ugala heshiisay saxeexiisa.

Chelsea ayaa saacadihii ugu dambeeyay wadahadalo kula jirta kooxda Leeds United si ay ugala heshiiyaan saxeexa xiddiga Raphinha.

Saxafiga Rudy Galetti ayaa sheegay in ay Leeds Iyo chelsea si buuxda uga heshiiyeen saxeexa xiddiga garabka ka ciyaara ee Raphinha.

Isla saxafiga ayaa sheegay in uu Raphinha haatan noqday xiddig Chelsea ah kadib markii ay sidoo kale heshiiska shaqsiga ah la gaadheen xiddiga.

Kooxda chelsea ayaa haatan diyaarinaysa in uu Raphinha tijaabada caafimaadka u maro kooxda isla markaas si buuxda u dhamaystiro heshiiska.

Raphinha ayaa noqon doona saxeexa ugu horeeya ee ay chelsea samayso suuqa xagaagan waxana la filayaa in ay kooxdu ku dhawaaqdo saxiixa saacaha ama maalmaha soo socda.

Leave a Reply