Mohamed Salah oo Go’aansaday Waqtiga uu Iskaga Tagayo Liverpool

0
246

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa inuu isku diyaarinayo inuu qaab xor ah uga tago kooxda liverpool xagaaga soo aadan.

Heshiiska xiddiga 30 jirka ah ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka cusub ee sanadka 2023 waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo mushahar dhan todobaadkii 400 kun oo Gini laakiin Liverpool ayaa diidan in ay lacagtaas bixiso.

Sida laga soo xigtay Mirror, Mohamed Salah ayaan hoos u dhigi doonin mushaharka uu dalbanayo maadama uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka.

Sidaas darteed xiddiga ayaa doonaya in uu qaab xor ah uga tago Liverpool sanadka dambe marka uu dhamaysto heshiiska uu kula jiro kooxda.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer Masar marka uu xor noqdo.

Leave a Reply