Taiwan Oo Laba Ambulance Ku Caawisay Cusbitaaladda Hargaysa iyo Gabiley

0
472

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shalay dawladda Taiwan kala wareegtay laba baabuur oo kuwa gar gaarka deg deg ah, kuwaasoo la soo mariyay safaaradda Taiwan ee Hargaysa.

Labadan Ambulance ayaa loogu tallo galay in ay ka shaqeeyaan cusbitaalka guud ee Hargaysa iyo cusbitaalka Gabiley, labadaasi cusbitaal oo uu ka shaqeeyo mashruuca daryeelka Hooyadda iyo Dhalaanka oo ay iska kaashanayaan Somaliland iyo Taiwan.

Waxaanay labadan baabuur si gaar ah uga shaqayn doonaan hawlaha bad-baadinta hooyada ee xiliga ay Umulayso, si loo yareeyo dhimashada hooyooyinka ee wakhtiga Foosha ama umul-raaca.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo labadan Ambulance kala wareegay safiirka dawladda Taiwan u fadhiya Hargaysa Mr. Allen Luu.

Cusbitaaladda magaalooyinka Hargaysa iyo Gabiley oo uu hadda ka shaqeeyo mashruuca daryeelka Hooyadda iyo Dhalaanka oo ay iska kaashanayaan dawladda Somaliland iyo Taiwan.

Iyadoo labadaasi cusbitaal ay ku xidhan xanaanooyin iyo xarumo caafimaad oo lagu daryeelayo Hooyadda iyo Dhalaanka, “Gaadiidkan Ambulance-ka ahi, waxay u addeegayaan in cusbitaal waliba xarumaha caafimaad ee  ku xidhan, inuu u sahlo in wixii halkaa xarunta wax lagaga qaban kari waayo, in hooyadda lagu soo gaadhsiiyo cusbitaaladda waaweyn.

Waxaanu filaynayaa in mashruucu uu fidi doono, oo uu cusbitaaladda kale iyo goboladda kale ee dalka uu gaadhi doono” ayuu yidhi wasiir Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi).

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in ay Somaliland ahaan dhinacoodda diyaar u yihiin in ay dhisaan oo ay sii adkeeyaan xidhiidhka ay la wadaagaan Taiwan, isagoona dawladda Taiwan uga mahad celiyay in caafimaadku uu noqday laf-dhabarta wax-wada qabsiga labadda jamhuuriyadood ee Taiwan iyo Somaliland.

Wareejinta labadan baabuur waxa kaloo goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, iyo agaasimeyaasha labada cusbitaal ee Hargaysa iyo Gabiley.

Sidoo kale waxaa iyagna goobta joogay safiirka Tiawan u fadhiya Somaliland oo ay wehelinayeen diblomaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaaradda Taiwan ee Hargaysa.

Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland Ambassador Allen Luu, ayaa ka waramay mashruuca lagu daryeelayo hooyadda iyo dhalaanka ee ay ka wada shaqaynayaan Somaliland iyo dawladiisa Taiwan.

Waxaanu sheegay Mr. Allen, in dawladiisu ay diyaar u tahay in ay Somaliland la wadaagto ama ku gacan siiso wixii khibrab iyo aqoon ah ee ay u leeyihiin horumarinta addeegyadda bulshadda gaar ahaana caafimaadka.

Geesta kale Somaliland ayaa la sheegay in sanadahan danbe uu hoos u dhacay umul-raaca dhimashadda xiliga Foosha ee hooyooyinka, guud ahaanba dhulka Soomaalida, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Xergeeye.

Waxaanu yidhi, “Waxay wax weyn ka tarayaan hawshii ay waday wasaaradda caafimaadku, ee lagu yaraynayay hooyadda umul-arroorta, (maternity mortality), hoos loogu dhigayay. Tiro-koobkii u dabeeyay ee la sameeyay, waxaa lagu ogaaday in Somalilad ay hoos u dhacday hooyadda umul-arroorta, marka loo eeggo guud ahaanba geyiga ay Soomaalidu degto, iyadoo Somaliland noqotay meesha ay 50% hoos u dhacday hooyadda umul-arroorta”.

“Tiro-koobkii ugu danbeeyay ee haayadda UNFPA ay nala samaysay, ay hoos ugu soo dhacday. Tiibay wax ka sii taraysaa, oo ay hoos u sii dhigaysaa. Waxay wanaajinaysaa, nidaamka isku xidhka (referral-ka) ee labadaa cusbitaal iyo xanaanooyinka ka dhaxaysa, ee mashruucaasi uu ka shaqeeyo.

Waxay wax weyn ka taraysaa hooyooyinka u baahan in si deg deg ah loo soo gaadhsiiyo, cusbitaaladda waaweyn” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

 

 

 

Leave a Reply