01.07.1960: Midnimadii aan la Mahadin: (Qaybta 1-aad)

0
296

Qore: Xuseen Adan Cige (Deyr):

Laba iyo Lixdan sano ka hor, Somaliland waxay ahayd dhulkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee Gumaystihii Boqortooyada Ingiriiska ka qaatay Xorriyad iyo Madaxbanani buuxda, taasoo Qarannimada Somaliland ay aqoonsadeen in ka badan 35 dal oo ka mid ah dunida.

Nasiib darro, Xorriyadii ay heleen Ummadda Somaliland ma ayna CALFAN, shan cisho kadibna (01.07.1960) waxay shuruud la’aan kula midoobeen gobolkii koonfureed ee uu Talyaanigu gumaysan jiray.

Haddaba, arrinta is weydiinta lihi waxa weeye: Maxaa Shacabkii Somaliland ku riday ILDUUFKA iyo in ay XASLAN WAAYAAN Qarannimadii ay heleen?

Ummadda Somaliland; intooda haatan da’da ah ama inta da’yarta ah ee si qoto dheer u dhuuxday taariikhda Somaliland, way fahmi karaan sababta ku kalliftay in Xorriyadii ay heleen ka galaan khalad weyn oo taarikhi ah.

Ummadda Somaliland iyagoo karayey in ay noqdaan Dad iyo Dal madax bannaan oo gaar u taagan, haddana waxa ka xoog weynaa dareenkii iyo rabitaankii Shacabka Somaliland oo ku salaysnaa Shucuur Waddaninimo, mid Walaalnimo Soomaaliyeed iyo in la helo 5 gobol oo Soomaaliyeed oo xor ah oo is weheshada, kuna midooba hal Calan iyo hal Dawlad oo ay Soomaaliyi leedahay.

Sidaa darteed, Xorriyadii iyo Qarannimadii ay heleen 62 sano ka hor, waxay u SADQEEYEEN oo ay u HIBEEYEEN helitaanka midnimo Soomaaliyeed awgeed, waxana dabada ka riixayey Dareen Shacab oo Qoto dheer iyo Shucuur Waddanninimo Soomaaliyeed oo ku abuurnaa Bulshada reer Somaliland.

Sidoo kale, hammigii ummadda Somaliland ee xilligaasi kuma koobnayn in Woqooyi iyo Koonfuri oo keliyihi ay midoobaan. Hadafka ay lahaayeen Ummadda Somaliland wuxuu ahaa in ay si dhab ah u xoroobaan una midoobaan Shanta Gobol ee ay Soomaalidu leeyihiin, kuwaasoo kala ahaa: Somaliland, Somalia Italiana, NFD, Djibouti iyo Soomlida Itoobiya/ Hawd and Reserve Area.

Nasiib darro, ummadda Somaliland sinaba uma ay mahadin kalgacalkii iyo hilowgii Soomaalimo ee halka dhinac ka rarnaa iyo midowgii naf-huridda ahaa ee ay sida shuruud la’aanta ah ula galeen Soomaaliya. Taasi ayaana u sabab ah in Ummadda Somaliland ay joogaan halka aynu caawa taaganahay.

Isla bilowgiiba (from day one), waxaynu la kowsanay caddaalad darro, eex, fogayn, tixgelin la’aan iyo cunsurinimo, dadkii reer Somaliland ee Qarannimadoodii u hibeeyey dareen, midnimo iyo jacayl Soomaaliyeed awgeed, waxa loogu magac daray erayga QALDAAMIIN, oo macnehiisu yahay kuwii  qaldanaa ee soo lugo’ay!

Halkii la ina soo dhaweyn lahaa ee la inoo arki lahaa dal la midoobay dal kale oo ay walaalo yihiin, waxa la inoola dhaqmay sidii aynu nahay dad cawaan ah oo aan fahamsanayn qiimaha Xorriyada, dad iyagu tashan kari waayey dabadeedna isa soo dhiibay si loogu taliyo!

Wax kasta oo awood qaybsi ah oo dhex mara labadii Gobol ee Soomaaliyeed ee midoobay, waxa diiday oo la soo marin waayey reer Koonfureed. Dhammaan mansabyadii Dawladda waxa lagu taxay dad ka soo jeeda Gobolkii Koonfurta Soomaaliya, sida xilalka:

Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha, Wasiirada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Difaaca, Ganacsiga, iwm. Dhammaan Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, Guddoomiyaha Baanka, dhammaan Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Caalamka oo fadhigoodii noqday Xamar iyo weliba Caasimadii oo noqotay Muqdisho. Sidoo kale, dhammaan Deeqaha Maaliyadeed iyo Mashaariicda horumarinta dalka waxa lagu koobay Koonfurta oo keliya, iwm.

Dareenkii iyo fal-celintii ugu harraysay ee lagaga jawaabayey Caddaalad darradii lagu sameeyey ummadda Somaliland, waxa lagu muujiyey Af-gambigii dhicisoobay ee 1961-kii ay Woqooyi (Somaliland) ka sameeyeen Saraakiishii Militariga ee reer Somaliland, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen: Xasan Kayd, Cawil Cali Ducaale, Cabdillaahi Kongo, Siciid Cali Giire, Siciid Oogle, Ina Caabi Faarax, iyo Saraakiil kale oo badan.

La soco qaybta 2-aad……

MIDNIMADII AAN LA MAHADIN

“Afgembigii Militariga iyo Maxsuulkii Midnimada”

 

 

 

Leave a Reply