Duqa Degmada Burco oo Go’aamo ka soo saaray xakameynta Shilalka Bajaajta

0
436

Burco (Dawan)  Duqa degmada Burco  Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero),  ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay shilalka Bajaajka oo keenay khasaare nafeed, dhaawac iyo mid hantiyeedba.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga xidho dhinac bidix Bajaajta oo la awdo, isla markaana ujeedadu tahay in shilalka la yareeyo.

Duqa degmada Burco ayaa warbaahinta la wadaagay go’aamada ay rabaan in lagu xakameeyo shilaalka gaadiidka, waxaanu xusay in qof aan liisan haysan kaxayn karin, in qof aan lahayni wadi karin, in istaan u gaar ah la gayn doono loo diyaariyay,  in bajaajkasta la diwaangeliyo, iyo in bajaajta ku xadgudubta go’aamada la soo saaray la ganaaxi doono, saddex cishana ay shaqada ka fadhiyi doontio.

Waxaanu yidhi.“Bulshada ku dhimatay shilka bajaajta waa 20 qof,  dadka ku dhaawacmayna waa kun iyo saddex boqol oo qof, maanta oo sannadka 2022-ku kala badh yahayna 20 qof ayay dhimashadu maraysa.

Waxa aanu soo saarnay 20-kii bisha go’aano aanu kalfadhigii ku saarnay kuwaasi oo ay ka mid yihiin, in Bajaajta gabi ahaanba laga laxaamado oo laga xidho dhinaca bidixda, in darawal aan liisan lahayni aanu kaxayn Karin, in darawalka bajaajtaasi ku qoran cid aan ahayni aanu kaxayn Karin, in istaan aanu hadda u banaynay ay tagaan, in bajaajkastasta la diwaangeliyo, bajaajta ku xadgudubta sharciga in la saaro ganaxaad boqol kun oo shilin ah iyo saddex cisho oo ay shaqada ka fadhido, mar labaad hadii ay ku soo noqoto wuu laba jibaarmayaa,”

 

Leave a Reply