“Madaxweynuhu wuu ku soo celin karaa Xeerar Golaha Wakiilada,”.Siyaasiga Maxamed Jaamac Cali.

0
519

Hargeysa(Dawan)Siyaasiga Maxamed Jaamac Cali oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Golihii hore Wakiilada Somaliland  ayaa sheegay in wakhgigaas ay wax ka badal iyo Kaabis ku sameeyeen Xeerka Ururada Siyaasada iyo Axsaabta ee xeer lambar 14.

Maxamed Jaamac oo Shalay u Waramayay Wargeyska Dawan ayaa waxa uu tilmaamay in uu  dhamaaday muddo xileedkii  Saddexda Xisbi,waxaana uu intaasi ku daray in Xeer 14 ay ku caday in Doorasha toosa ay ku tartamayaan Ururada Siyaasada.

Maxamed Jaamac oo Arimahaasi ka haldayayna waxa uu yidhi”Xeer lambar 14 waxa loo sameeyay in aanay Xisbiyadda rag  yeelan,labo jeer ayaana wax ka badal lagu sameeyay Xeerkan.waxaana laga dhigay in tobanka sanno mar la furo Ururada Siyaasada,waxaana  wax ka badal ku samaynay xeer 14 waxa aanu ka dhignay in Ururo toosa lagu tartamo oo aan Gole deegaan la hayn.ninka ku doodaya lama furayo Ururada Siyaasada indho la, aan weeye.waxaana la gudboon  Xisbiyadda in ay ka qayb galaan tartanka Ururada Siyaasada,Xisbi muddo xileedkiisiii dhacay  masii joogi karo lama dooran karo toban koodii sanno way dhamaadeen waana in ay iska Diwaangaliyaan gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada,”.

Maxamed Jaamac ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynuhu awood u leeyahay in uu ku soo celiyo Golaha Wakiilada Xeerar.Waxaana uu yidhi”Madaxweynuhu wuu ku soo celin karaa Golaha Wakiilada Xeerar iyo waxyaabo kale Daahir Riyaale intaas oo jeer ayuu wax nagu so celiyay,xaq umay lahan Golaha Wakiilada in Madaxweynaha ku celiyaan xubnihii gudida Doorashooyinka in ay saxaan ayay ahayd wixii ka khaldan,muranku waxba ma,tarayo afarsanadood ayaa lagu murmayay Koomishanka Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Wakiilada maaha in ay baabiiyaan raad kii hore Madaxweynuhu waa meeshii dalka ugu saraysay isaga ayaa Wadanka xukuma Golaha Wakiilada wax aan sharci dajin ahayn kama qaban karaan ku ilaalinta shuruucda ee Xukuumadda waa leeyihiin laakiin maaha in ay u dhaqmaan in Madaxweynaha ka sareeyaan,”.

Sidoo kale Maxamed Jaamac ayaa waxa sheegay in foolxumo ku tahay Golaha Wakiilada in reernimo iyo Xisbinimo ku diidaan qaar ka mida xubnihii loo soo magacaabay  Koomishanka Doorashooyinka.Waxaana uu yidhi”Xubnaha Madaxweynuhu u soo magacaabay Koomishanka Doorashooyinka Golaha Wakiilada in u cadaalad sameeyo ayay ahayd,hadii Golaha Wakiilada qabyaalad sameeyo oo uu ku talax tago Siyaasada oo ay yidhaahdaan hebel yaynaan ansixinin ee inaga ilaaliya arinkaas fadeexad ayuu keenayaa,Baarlamaanka waa in u cadaalad  sameeyo masuuliyiinta waa muraayadii dalka hadii qofku shuruuradaha laga doonayo buuxin waayo waa nasiib kii laakiin in lagu diido reernimo iyo Xisbi waa fool xumo,”.

Dhinaca kale  Maxamed Jaamac ayaa waxa uu tilmaamay in aanay jirin meel ay kaga qoran tajay Dastuurka In muddo kordhin loo sameeyo Xisbiyadda.Waxaana uu yidhi”Dastuurku waxa uu sheegayaa in muddo kordhin loo samayn karo Madaxweynaha iyo Golayaasha Qaranka oo kaliya,wax xisbiya oo muddo kordhin loo samayn karaa majirto meel ay ku qoran tahay majiro.waxaana aan leeyahay buuqa dadka halaga daayo,waa in wadanka la dhawro oo laga ilaaliyo muranka iyo qabqabsiga badan  turxaanta foolxumo

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply