Xukuumadda oo War a soo Saartay Dadka Reer Somaliland ee Meelo kale u Maray Xajka

0
253

Hargeya (Dawan) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in dadka reer Somaliland ee sannadkan xajka tagay xili xukuumaddu joojisay tagista xajka ay ku xadgudbeen qaranimada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa xujayda reer Somaliland ee ka dhooftay meel ka baxsan ciida Somaliland, si ay usoo gutaan xajka ku tilmaamay qaar meel kaga dhacay Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxan shacbiga Somaliland la socodsiinaynaa, cidii meelo kale ka dhooftay ama u baryo tagtay in ay meel kaga dhaceen qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee go’aanka qaatay ay baalmareen”

Saylici ayaa dhanka kale sheegay in aanu jirin wax gorgortan ah oo Somaliland arrimaha xajka kala yeelatay xukuumadda Soomaaliya, isaga oo beeniyay hadal uu wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cumar Cali Rooble ku sheegay in arrinta xajka uu kala hadlay madaxweyne ku xigeen Saylici.

Waxaanu yidhi.”Waxaan bulshada reer Somaliland halkan uga caddaynayaa in aan wax waxa hadal ah ama xidhiidh ah aanan la sameyn wasiirka Diinta iyo cidkale oo xilka haysa Soomaaliya.

Wasiirkaasi waxaa uu ku xadgudbay sharaftayda iyo sharaftii Qaranka Somaliland, waxaan wasiirka ka dhageystay warbaahinta dhawr jeer, oo ka hadlayay sida uu wax u qaybiyay, taasi oo aan bushada iyo Qaranka Somaliland sinaba u khuseyn, mawqifkayaguna waa uu cada haddii aanu nahay reer Somaliland, 31-kii sano ee u danbeeyay in aanan ka mid ahayn Qaranka Somaliland”

Mar uu sigaara fariin ugu dirayay Boqortooyada Sucuudiga waxa uu hoosta ka xariiqay in Sucuudigu 31-kii sano ee la soo dhaafay Somaliland uu indhaha ka lalinayay, ka codsaday in ay hoos u eegto khilaafka taagan.

Waxaanu yidhi.“Hadba bulshada Somaliland waxa ay uga fadhiga Boqortooyada Sucuudi Carabiya xuquuqdooda islaamiga ah, iyada oo 31-kii sano ee u danbeeyay indhaha ka lalinaysay, iyada oo sannadkan xukuumadda, culimada iyo shirkadaha diyaaradahu go’aan wadajira ka gaadheen in aan sannadkan Somaliland laga xajiyin, mar haddii aanay Somaliland xuquuqeeda ka helin qoondadii Xajka ee Somaliland iyo Soomaaliya la siiyay”

Waxa uu si cad u beeniay in aanu jirin wax wada hadla oo dhexmaray isaga iyo wasiirka Diinta ee Soomaaliya.

Waxaanu yidhi.“Waxan doonayaa in aan ka hadlo hadal kasoo yeedhay wasiirka diinta iyo awqaafta ee Muqdisho, oo yidhi waxan ka wadahadalnay madaxweyne ku xigeenka arrimaha xajka, waxan umada Somaliland halkan uga caddaynayaa in anan wax wadahadalka ama xidhiidha anan la yeelan wasiirkaa”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadalka wasiirka ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland aanay mudo 30 sanno ah kamid ahayn qaran Soomaaliyeed.

Waxaanu sidaa ka sheegay Madaxweyne ku xigeenku shalay mar uu booqday wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta

 

 

Leave a Reply