Aas Qaran oo Marxuumad Khadra Daahir Cige Lagu Sagootiyay

0
309

Hargeysa (Dawan)  – Maydka fannaanadii waynayd ee   Khadra Daahir Cige, oo habeen hore ku geeriyootay,ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Halleeya ee bariga Hargeysa.

Aaska fannaanada ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, boqollaal qof oo iskugu jira masuuliyiinta xukuumadda Somaliland iyo axsaabta mucaaradka, fannaaniin, xildhibaano, abwaano, saxafiyiin iyo dadwayne kale, kuwaasi oo si qiiro leh uga hadlay shakhsiyadii Khadra Daahir.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici oo ka wakiilka madaxweynaha Somaliland, ayaa Alle naxariis uga baryay fannaanad Khadra Daahir, isaga oo sheegay in ay isku fil ahaayeen caruurnimadii.

“Fannaanadii weynayd, hablihii ugu qiimaha badna ka mid ahayd, Marxuumad Khadra Daahir Cige, aniga oo matalaya Qaranka Somaliland, isla markaana madaxweynihii Somaliland matalaya, waxaan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii eheladii, ay ka baxday, in iyadana ILLAAHEY Qabriga u nuuro, una naxariisto.

Nin ba in ayay u joogtaaye aniga Cabdiraxmaan ahaan waxaanu ahayn jiilkii isku da’ada dhawaa, ee isku beegnaa iskuulka lakiinse iyadu iyada oo fasalka 7-aad ku jirta ayay ka baxday oo ay fanka gashay  Alle ha u narariisto”

Abwaan Xasan Cabdillaahi Xasan Ganay,  oo laha heesaha ugu badan ruwaayadaha Khadra Daahir ay ku sun taneyd, ayaa isaga oo ilmeynaya, ALLE uga baryay in iftiinkii ay ifka ku lahayd aakhirana ku hesho.

Waxaanu yidhi.“Walashay Alle ha u naxariisto, inantaydii ALLE ha u naxariisto, qof qaaliya ayay ahayd, marwo ayay ahayd fanka iyo umadaba waxay ku lahayd magac aan gaboobayn, ILLAAHEY waxan ka baryayaa magicii iyo sharaftii ay ku lahayd iftiinka, inay akhirana ku hesho”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa isna fannaanada ku sifeeyay in ay ahayd qof cibaado badan, isaga oo geerideeda ka tacsiyeeyey shacabka Somaliland iyo umada Soomaaliyeedba.

Waxaanu yidhi.”Iyada oo ehelu cibaado ah ayay dhimatay, ehelkeedii iyo asxaabta iyo bahda warbaahinta iyo warfaafinta iyo Somaliland iyo umada Af-Soomaliga ku hadasha oo dhan Alle samir iyo iimaan haka siiyo”

Wariye Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in Khadra anay 20 kii sanno ee u danbeeyay fanka shaqo ku lahayn, isla markaana ay cibaadada awooda saartay, isaga oo Alle naxariis uga baryay.

Waxaanu yidhi.”Khadri 2004 wixii ka danbeeyay fanka shaqo kumay lahayn, waxay ahayd qof xaga cibaadada u leexatay, way soo xajisay intaan ogahay 3 jeer, Ilahay naxariistii jano haka waraabiyo”

Abwaan Maxamed Aadan Dacar“Khadra Daahir waxa ay ahayd hablaha ugu danbeeyay dhaqanka, edaabta iyo anshaxa, nagula joogay, magac ayay ku lahayd dhaqanka, edaab ayay ku lahayd, xishood ayay ku lahayd, waxtar ayay ku lahayd, abwaan Xasan Ganey ayaa lahaa ruwaayadihii ay ku soo baxday”

Abwaan Muuse Cali Faruur, ayaa marxuumad Khadra Daahir Cige, ayaa sheegay in ay ahayd, qof qadarin, sharaf, xurmo iyo karaamo badan.

Waxaanu yidhi.“Marxuumadu 10-kii maalmood ee ILLAAHEY amaanay ayay dhimatay, anigu Khadra Daahir waxaan bartay 1974-kii, wakhtigii ay orordada ku jirtay, ruwaayadii Dab’jacayl kari wayay ee Xasan Ganey sameeyay oo aan maamul ka ahaa ayaanu isku barangay, shaqo aanu isugunimaadno markaasi ayaa igu horraysay.

Marka may guursan, waa inanta iyada oo fannaanada salada tukan jirtay ee odhan jirtay ‘Muusow maadunba moodaya in salaada lagugu leeyahay, miyaanad ogayn in anigaba la igu leeyahay’,.

Bulshadau madax ilaa miskiin isugu mid ayay u ahaayeen, wax is weyneyna, wax is qaad qaada iyo kibir midna may lahayn, sida ay dadka u qadarin jirtay, dadnimadeedii, maalmo khayr badan ayay dhimatay”

Dhamaan fannaaniinta, wariyayaasha iyo dadwaynaha kale ee kasoo qayb galay aaska Khadra Daahir Cige, ayaa Alle uga baryay in uu janooyinkiisa ku casuumo, iyaga oo sheegay in ay ahayd shakhsiyad qiimo leh.

Leave a Reply