Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta oo xilka la wareegay

0
365

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda macdanta iyo Tamarta JSL Foosi Maxamed Faarax ayaa xilkii kala wareegay Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Md. Mukhtar Maxamed Cali oo uu madaxweynuhu u magacaabay guddoomiyaha Hay’adda tayo-dhowrista Qaranka.

Munaasibada Xilwareejinta oo shalay ka qabsoontay xarunta wasaaradda, waxa ka soo qaybgalay xubno kamida golaha Wasiirrada, agaasimeyaal guud, masuuliyiin ka socday hay’addaha madaxbanaan ee xukuumadda, Agaasime-waxeedyada iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda, madaxdhaqameedyo iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Tamarta Md. Cabdilaahi Faraax Cabdi, wasiirka wasaaradda horumarinta reer Miyiga Md. Axmed Aadan Jaamac, wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Mustafe Maxamed Cali (Godane), wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Md. Maxamed Xaaji Aadan, guddoomiyaha Komishanka tamarta Qaranka Axmed Faarax Caddare, guddoomiye ku-xigeenka komishanka Maamul-wanaaga iyo masuuliyiin kale oo uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Gaashaan-dhiga, ayaa ka qaybgalay xaflada xilwareejinta, waxaanay Masuuliyiintaasi  khudbaddo ay  ka jeediyeeyn, ay isaga markhaati fureen in agaasimaha guud ee xilka wareejiyey Mukhtar Maxamed Cali uu ahaa shakhsi hawlkara, isla markaana waxay alle uga baryeen inuu u fududeeyo xilka cusub ee loo igmaday.

Sidoo kale waxay masuuliyiinta madasha ka hadlay alle uga baryeen agaasimaha cusub ee shaqada la wareegay Md. Foosi Maxamed Faarax inuu alle xilka iyo masuuliyadda loo igmaday ku asturo, iyagoo shaqaalaha weynaha wasaaraddana kula dardaarmay inay ula shaqeeyaan si hufnaan iyo xilkasnimo leh.

Agaasimihii hore Md. Maxamed Cali oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda mudaddii uu xilka hayey, waxaanu tilmaamay inay mashaariic miisaan leh dhaqaajiyeen, kuwaasoo la xidhiidha dhinacyada macdanta, shidaalka iyo Tamarta.

Waxa uu shaqaalaha wasaaradda uga mahad-celiyey sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay inay agaasimaha cusub soo dhaweeyaan, ulana shaqeeyaan sidii ay isaga ula shaqeeyeen iyo si ka sii wanaagsan.

Agaasimaha Mukhtaar Maxamed Cali waxa uu tilmaamay inay wasaaraddu tahay mid balaadhan oo ahmiyad weyn qaranka ugu fadhida, si gaar ahna ugu xilsaaran maamulka Khayraadka dihin ee dalka.

Agaasimaha guud ee xilka la wareegay, ayaa isna dhankiisa uga mahad-celiyey agaasimaha hore, sida milgaha iyo maamuska leh ee uu shaqada ugu wareejiyey, waxaanu balanqaaday inuu shaqada wasaaradda dedaal iyo dardar cusub gelin doono.

Xubno ku hadlayey afka Shaqaalaha wasaaradda, ayaa dhankooda amaan balaadhan u jeediyey agaasimihii hore, waxaanay ku tilmaameen inuu ahaa shakhsi hogaamin iyo masuuliyad leh, isla markaana ku hagayey cadaalad iyo waayo-arragnimo maamul.

Waxa kale oo madashaa ka hadlay xunbno ku hadlayey afka madaxdhaqameedka, kuwaasoo labada masuul ugu duceeyey in mid walba xafiiska loo magacaabay alle xil-gudashadiisa ku asturo.

Gebagebadii Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore ayaa si rasmi ah xilka waxa ugu kala wareejiyey Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta iyo guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqmaasuqa.

 

Leave a Reply