Magaalada Hargeysa oo uu Shir uga furmay degmooyinka ka Tirsan Mashruuca JPLG-ga

0
302

Hargeysa (Dawan) Waxa magaalada Hargeysa lagu qabtay kulan ku saabsan shirka dib u eegista adeeg bixinta waxbarashada iyo caafimaadka ee degmooyinka ku jira barnaamijka maamul daadejinta ee JPLG.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd   dib u eegista adeeg bixinta  waxbarashada iyo caafimaadka iyo mashaariic kale oo lixdii bilood ee hore waxyaabihii u hirgalay, waxaana ka qayb galay sideed degmo oo uu ka socdo mashaariicda maamul daadejinta degmooyinka ee loo yaqaano JPLG, kuwaas oo kala ahaa Borama, Oodweyne, Hargeysa, Berbera, Gabiley, Burco, Saylac iyo Sheekh.

Madaxa hay’adda UNICEF ee JPLG Cabdiraxmaan Maxamed Iidle iyo Cabdilqaadir Ciise oo ah la taliyaha maamul daadejinta ayaa sharaxaad ka bixiyay kulankan iyo arrimaha xooga lagu saari doono waxaanay sheegeen in shirkani uu yahay mid muhiim ah maadaama uu ku saabsan yahay qaar ka mida adeegyada bulshadu ay ugu baahi badan yihiin.

Maayirada magaalooyinka Borama iyo Berbera ayaa siwada jira u soo dhaweeyay in ay mihiim tahay qorshayaasha maamul dedejinta in dib loo eego isla markaana la qorsheeyo jihada iyo waxqabadka dawladdaha hoose ee ee la xidhiidha dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo arrimaha gudaha, oo kulankaasi ka hadlaya ayaa dawladdaha hoose ee shirkaasi u furmay waxa ay ku boggaadiyeen hannaanka wanaasgan ee maamul daadejinta iyo mashaariicda JPLG ay ka gaadheen.

 

Leave a Reply