Urur Siyaasadeedka Barwaaqo oo Xafiis ka Furtay Berbera

0
268

Berbera (Dawan) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Dr.Maxamed Cabdi Gaboose  ayaa shalay xadhiga ka jaray Xafiis Ururkiisu ku yeelan doono Magaalada Berbera ee Xarunta Gobalka Saaxil.

Munaasibad xadhiga lagaga jarayay Xafiiskan Urur Siyaasadeedka Barwaaqo ka furtay Magaalada Berbera ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Barwaaqo Dr.Maxamed Cabdi Gaboose Siyaasiga Siciid Cilmi Rooble Siyaasiga Muxumed AwAxmed oo ka tirsan Ururka  Salaadiin Haween iyo Dhalinyaro.

Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu uga Mahadnaqay Taageerayaasha Ururka Barawaqo ee Magaalada Berbera sida ay usoo dhaweeyeen.Waxaana uu yidhi”ka soo qayb galayaasha Xafiiska Magaalada Berbera ee Ururka Barwaaqo ee aynu xadhiga ka jarnay,waxaana aan rajaynayaa in Xisbi uu noqdo Ururka Barwaaqo Xisbina waxa ka dambaynaya Madaxweyne,waxa aan idiika mahadcelinayaa kulalka aad u dul qaadateen intii aad na sugayseen,waxaana aan u mahadnaqayaa Salaadiinta iyo hablihii gurigan qurxiyay dhamaantiin waan idiin mahadcelinayaa,”.

Sidoo kale Siyaasiga Siciid Cilmi Rooble oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu soo dhaweeyay xafiiskan Ururka Barwaaqo ka furtay Magaalada Berbera.Waxaana uu yidhi”Waxa aynu sugaynay Gaboose soo maaha waxaana aan rajaynayaa  in uu noqdo mid barkhadeed Urur Siyaasadeedka Barwaaqo,”.

 

 

 

 

Leave a Reply