Wasaarada Caafimaadka oo lagu Wareejiyay Qalabka Sifaynta Kalyaha

0
374

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa shalay kala wareegay qalabka Sifaynta Kalyaha Ururka  Shirkadaha soo dajiya  Dawooyinka.

Munaasibad Shalay lagu qabtay Wasaarada Caafimaadka oo Wasiiku Kula Wareegayay qalabkan Sifaynta Kalyaha ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Guddoomiyaha Ururka  Shirkadaha soo dajiya Dawooyinka Yuusuf Ducaale Barre xubno ka tirsan Ururka  iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaas.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa waxa uu in  hore uga wadahadleen xubno ka tirsan Ururka  Shirkadaha soo dajiya  Dawooyinka in ay gacan ka gaystaan qalabka lagu sifeeyo Kalyaha.Waxaana uu yidhi”Ururka Duwa ee ay ku bahoobeen Ganacsatada soo dajiya Dawooyinka oo deeqdan aanu ka gudoomayno ee kalyaha lagu sifeeyo,muddo laga joogo ilaa Saddex toddobaad ayaanu xubno ka mida Ururka ku kulanay Xafiiskayga.waxa aan usoo bandhigay madaama oo ay yihiin Ganacsatadii Dawooyinka in ay la gudboon tahay, waxyaabaha aadka u dhibka badan in wixii ay ka gaysan karayaan  ka gaystaan sida qalabka Sifaynta Kalyaha oo kale,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka  Shirkadaha soo dajiya Dawooyinka Yuusuf Ducaale Barre

oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in qalabkan  Kalyaha loogu sifayn doono dadka Bukaanka.Waxaana uu yidhi”Deeqdan oo ka kooban 85 Kartoon  waana labo aytam oo mid kiiba yahay Kun yunit,waxa loogu talo galay qalabkan  in dadka kalyaha loogu  sifeeyo ee Bukaanka,”.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply