Wasiirka Difaaca Somaliland oo si Adag uga Hadlay War Warbaahinta Isaa’iil ka Qortay

0
352

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye(Fariid) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay isla markaana si cad u beemiyay war  xaqiiqada ka jog oo uu ka qoray Wargayska Times Of Israel  oo sheegay in wasiirka Fariid ka qayb galay shir madax Israa’iil ka socota iyo madax afrika ka tegay dhex maray isla markaana wasiirka difaaca Somaliland uu shirkaa ku metelayay Somaliland

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa iftiimiyay sida warkaasi uu u yahay mid been abuur ah oo laga sameeyay isla markaana xilliga warkaasi sheegayo in uu kulan ka qayb galay in uu ku sugnaa Hargeysa isla markaana uu ku mashquulsanaa qaban qaabada xuska qaran ee 18 May oo uu guddoomiye ku xigeen ka ahaa gudiga qaban qaabada.

Wasiir Cabdiqani oo BBC-Somali warkaa wax ka waydiisay ayaa ku jawaabay.

“Anigu waxaan ka jawaabayaa qaybta ay ku qoreen in wasiirka gaashaandhigga uu matalayay Somaliland.,

Anigu ka wasiir ahaan, Cabdiqani Maxamed Caateeye ahaan, ma jirto meel ay Israa’iil shir ku qabsanaysay oo aan Somaliland ku matalayay, sal iyo raad toona ma laha warkaasi.”wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay oo yidhi. .

“Xilligaas ay sheegayaan ee ah bishii shanaad ee 2020-ka waxaan ku sugnaa Somaliland, khaasatan caasimadda, oo aan qaban ku qaabinaynay xuska 18-ka May, oo aan guddoomiye ku xigeen ka ahaa. Marka warkaasi waa war been abuur ah.”

Waxa uu sheegay inuu yahay war aan jirin oo ay la buunbuuniyay.

“Wuxuu ahaa war been abuur ah oo aniga la iga sameeyay, oo kuwa Israa’iiliyiinta ahna ay sameeyeen, kuwo annaga naga mid ahna ay buunbuuninayaan,” ayuu yidhi Wasiirka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply