Boorame: Wax soo Saarka Farsamo Yaqaanada oo Hoos u Dhacay

0
447

Hargeysa (Dawan)  Farsamayaqaanada wadaniga ah sida Kaboolayaasha iyo Biralaabka ayaa quus ka muujiyay suuq la’aan hoos u dhigtay horumarkii  wax-soo-saarkooda, oo ay sheegeen in kow ka yihiin  sicir bararka iyo abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Waxa kale oo ay walaac ka muujiyeen inaanay dawlada Somaliland marna ku firkirin  inay ka taageerto dugsiyo xirfadeed oo kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha farsamada gacanta ee farsamo yaqaanka wadaniga ah.

Farsamayaqaanada Kaba’tolayaasha ee  magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa siweyn uga dayriyay saameynta sicir bararku ku yeeshay shaqada ay bulshada u hayaan iyo noloshoodaba,   isla markaana ay ugu biirtay abaar dad iyo duunyaba saamaysay taas oo keentay in dadkii wax ka iibsan jiray aanay hadda kab iyo bir midna ka iibsan.

Waxa ay intaas ku dareen in hadda aanay waxba u goyn kharashka ay ka helaan hawsha ay bulshada u hayaan ee Birmaalka iyo Kabatolistu, iyaga oo xusay in aanay jirin cid dhaqaale ahaan ka taageerta hawlaha ay hayaan.

Mid ka mida odayaasha Birmaalka ah ee magaalada Borama oo la hadlay Tv-ga HCTV ayaa sheegay in sannadkan sanad ay kaga adag tahay xaaladu aanay jirin.

Waxa uu xukuumadda Somaliland ka codsaday in ay xal u raadiso sicir bararka maalinba maalinta ka danbeysa cirka sii maraya.

Waxaanu yidhi.“Haddii aanu nahay dadka birmalka ah ee farsamayaqaanada anaga ayaaba nala tuhmaa, anagiina bakhti ayaanu inyar u jirnaa, biraha aanu tumayno uunba la mooda in aanu wax hayno ee talada nalaguma daro, waxa aanu nahay dadkaasi aad u tabaalaysan cid na ogi ma jirto, dadkii aanu wax u qaban jirnayna waa dadkaasi abaaruhu saameeyeen,”

Sidoo kale midkale oo isna ka mida farsamayaqaanada Kabaha tole ayaa sheegay in dadka qaar saddexda wakhti mar uun karsadaan.

Waxaanu yidhi.“Sicirbarku aad iyo aad ayuu noo saameeyay, abaar iyo busaarad ayaa isku kaya biirtay, markii hore waanu iska ladnayn hal gudina ama midi aanu iibino ayaa nagu filayd, maxaadhba nagu filaa, maceeshaduna way jabnayd farsamadan birta ee aanu wadnayna waynaga socdeen.

Maanta xag ILLAAHEY ayaanu ka noolahay, kuwa aan saddexda wakhti karsan ayaa jira, hadda nimankii farsamayaqaanka birmaalku magaalada Borama way ka tageen noloshii markay ku adkaatay, gacantayada waxa aanu kula soo baxno ayaanu leenahay”

“Sodon sano ayaan kabaha tolayay sannadkan sicir bararku dhacay sannad ay igaga daran tahay maan arag, kabtaan awal 25 kun oo shilin ku tolaynay shan kun  maku tolaysa ayaa la yidhaahda, sababto ah dadku lacag ma haystaan, duntaba noo magoyso, duntu waxay ahayd sodon kun imikana waa lixdan kun”Ayuu yidhi mid ka mida farsamayaqaanada Birmaalka ah ee magaalad Borama.

 

 

Leave a Reply