Kulan lagu Qiimaynayey Waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda

0
524

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad ayaa sheegay in sannad walba, hawlwadeenadda Wasaaradda Maaliyadu qabsadaan afar kulan oo is-qiimayn ah, si loogu ogaado horumarka ay gaadheen, waxii qabyo soo baxana loo sixi lahaa.

Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee sedex-biloodka April – June 2022 ayaa shalay ka qabsoomay xarunta Wasaaradda H. Maaliyadda.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimeyn lahaa waxqabadka Waax walba, iyo waxii uga qabsoomay qorshihii loo dejiyey, isla markaana Agaasime-waaxeed walba gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku saabsan wixii uga qabsoomay bartilmaameedkii waaxdiisa mudadaa sadexda bilood ah, hawlaha baaqday iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen, iyo sidoo kale caqabaddaha jira.

Kulan-hawleedka oo ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirka H. Maaliyadda  Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Cabdi Gurxan, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda Md. Axmed Daauud Geedi, iyo dhamaan Agaasiyaasha Waaxuhu, waxa uu kalmadiisii furitaanka Wasiirka Wasaaraddu ku xusay mihiimada ay guud ahaan qaranka gaar ahaana Wasaaradda Maaliyadda uu u leeyahay isla-xisaabtanku.

Kulanka is-qiimaynta Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa la sheegay inay ka soo baxday in horumar fiican laga sameeyey dhinacyadda meelmarinta barnaamijka dib-u-habaynta maamulka maaliyadda sida; adeegsiga hababka casriga ah ee is-wada, Dib-u-habbeynta Maamulka Maaliyadda, cashuuraha, Kastamadda, Wacyi-galinta & xoojinta xidhiidhka Cashuur-bixiyaha,  dabbaqaadda xeerarka, Maamulka Miisaaniyadda iyo kharash bixinta, wax-Iibsiga, dib-u-habbeynta shaqaalaha iyo siyaasaddaha kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri-galinta wax-soosaarka gudaha, iyadoo lagu jiro xili adag oo dunida iyo mandaqadaba xaalado adag oo sicir-barar ahi ka jiraan.

Wasiirka Wasaaradda H. Maaliyadda Dr.Sacad Cali Shire, oo kulanka soo xidhay ayaa ku amaanay masuuliyiinta Waaxyaha ee sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana waxuu kula dardaarmay inay u diyaargaroobaan meelmarinta bar-tilmaameedyada u yaala xafiis kasta lix-biloodka July-Sep, 2022.

 

 

Leave a Reply