Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda oo kaalinta koowaad u galay Qiimaynta Jaamacadaha Dawladda

0
339

Hargeysa (Dawan)- Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Md. Cumar Iid Qaloonbi ayaa shaaca ka qaaday inay sannadkan Jaamacada Itoobiya u diri doonaan Shaqaalaha Dawladda, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay kaalinta koowaad ka galeen qiimayn Komiishanka Tacliinta Sare ku sameeyeen jaamacadaha dawliga ah.

Md. Cumar oo ka hadlayey dhinacyada qiimaynta komiishanka Tacliinta Sare ku saabsanayd ayaa sheegay, inay eegayeen Manhajka waxbarasho ee Jaamacadaha dalka, Nidaamka xulashada ardayda Jaamacad soo galaysa, Siyaasadda Waxbarashada ee Jaamacadaha, Nidaamka xulista, qiimaynta iyo dabagalka habka wax-dhigista, Cilmi-baadhista iyo adeega bulshada, Habka Maamulka Jaamacadda   in la qiimeeyey tayada manhajkooda waxbarashada, hirgelinta siyaasadaha heer Qaran iyo sida machadka tababarka shaqaalahu dawladdu ula jaanqaadayo, hawl-fulinta ardayda dhamaysatay waxbarashada Machadka, iwm, waxaanu yidhi,

“Markii waxa oo dhan la qiimeeyey Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda oo Jaamacad dawladeed ah waxuu noqday machadka uugu horeeya, natiijadeedana waxa shaacin doona komiishanka Tacliinta Sare.”

Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Md. Cumar ayaa hadalkiisa raaciyey inuu u mahadcelinayo shaqaalaha iyo macalimiinta Machadka Tababarka shaqaalaha Dawladda oo keenay inay kaalinta koowaad ku guulaystaan, waxaanu yidhi,

“Waxaan uuga mahadcelinayaa shaqaalaha, macalimiinta, guddiga Sare oo la’aantood kaalintan aan lagu guulaysteen, waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, fursada uu ii siiyey inaan hogaamiyo Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda oo ka mid ah kuwa uugu horeeya dalka.

Agaasimaha Fulinta Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Md. Cumar oo wareysi Telefishanka Qaranka JSL la yeeshay shalay ayaa sheegay in siyaasada koowaad ee Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladu tahay inuu kobciyo xirfada shaqada ee shaqaalaha Dawladda, soona saaraan shaqaale leh aqoon ay ku fuliyaan siyaasadaha heer Qaran ee JSL, waxaanu yidhi,

“Muddadii Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladu shaqeynayey waxuu soo saaray shaqaale Dawladeed oo gaadhaya 10 kun, kuwaasoo la baray aqoon heerar kala duwan.

Waxuu sheegay in Machadka Tababarka shaqaalahu iskaashi waxbarasho la leeyahay dhigiisa Wadamadda Jaararka iyo caalamka sida Machadka Tababarka Shaqaalaha Itoobiya, machadka Maamulka Ugandha, Jaamacada Jigjiga oo arrimaha horumarinta Reer-guuraaga, dhinaca beeraha iyo maaraynta masiibooyinka dabiiciga iska kaashano.

Md. Cumar ayaa sheegay inuu uugu bishaaraynayo shaqaalaha Dawladda inay sannadkan u diri doonaan Jaamacada Itoobiya shaqaalaha Dawladda, oo hore hakad xanuunkii COVID laba sannadood aanay u dirin.

“Arday badan oo hore waxbarasho ugu soo qaatay Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda ayaa isbedel muuqda hore iyo xilligan ku leh hay’adaha dawliga ah, xilal kala duwana ka qabtay xukuumadda, oo anniga Agaasimaha Fulinta Machadka shaqaalahu ka mid ahay Ardaydii ka aflaxday.

Mar uu ka hadlayey waxbarashada Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladu bixiyo ayuu Md. Cumar sheegay in Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladu tahay Jaamacad dawli ah oo u xilsaaran tayeynta iyo tabarida shaqaalaha dawladda. Waxuu sheegay inay si dhow u wada shaqeeyaan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, isla markaana leeyahiin qorsheyaal Waxbarasho heerar kala duwan ah.

“Hay’ad waxbarasho magac kasta ay leedahay waxa lagu qiimeeyaan heerka aqoonta ay bixiyaan, laakiin magaca loo yaqaan (Institute, College, University) ma go’aamiyo aqoonta uu bixiyo.

 

 

 

Leave a Reply