Rag Waxa U Liita Ninka Nacay Dalkiisii iyo Dadkiisii”

0
411

 

Waxaan akhriyay qoraal lagu baahiyay baraha bulshada, waxana diyaariyay koox qurbojoog ah oo la baxay Somaliland Observation Group oo kaso jeeda JSL.

Qoraalku waxa uu si caadifidaysan ugu talax tagay in xukumada Somaliland baal martay Shuruucdii dalka iyo dimuqradiyadiiba iyo in beshooda lagu hayo dhibaatooyin u gaar ah oo anaay beelaha kale la qabin, sida awgeed iyaga oo soo qadanaaya ama xasuusinaya dhacdooyin hore waxay si dadban ugu gubaabinayaan in colaad la qaato JSL ka dhan ah.

Qaraalku wuxu koobsanaya wax kasta oo xun oo dal jira laga faafiyo ama lagu canbaarayn karo iyo sawir xaalad rajo beel ah.

Si Kastaba ha ahaate waxa dareenkayga soo jiitay qayb qoraalka ka mid ah oo beesha calamka gaar ahaan Boqortooyada Ingiriiska lagaga codsanayo in Dawlada Somaliland laga jaro dhaqaalaha yar ee lagu taageero tayaynta xafisyada qaarkood iyo gabi ahaanba in laga joojiyo mashaaricda hormarinta, sidaas oo kale waxay hayadaha sama falka ka dalbanayaan in la hubiyo ama la hakiyo deeqaha binuadnimo ee la siiyo ama loo soo wado dadka markii horena saboolka aha hadana la il daran abaaraha. Qodobka se ugu xiisaha badan ee qoraalka ku jira wuxu yahay amar xukumada Ingiriiska lagu farayo in xubnahah Parliament-ka ee taageera qadyada Somaliland loo diido in ay kaga doodaan golaha dhexdiisa.

Dawladaha qoraalka lagu socodsiyay waxa gobolka geeska Africa u jooga diblomaasiyiin xirfad sare leh (Career Diplomats) iyo sir doon arimahan loo tababaray oo u soo ururiya xog iyo xaalad kasta oo ka jirta dalalka geeska Africa oo Somalilandna ka mid tahay oo u soo gudbiya warbixino joogto ah xataa waxay si sadaaliyaan waxa ka dhici kara mustaqbalka sidaa daraaded iyaga ayaa cidkasta uga xogogaalsan waxa ka jra iyo waxa ka socda gudaha JSL.

Wadamadani siyaasadooda waxay ku saleeyaan hadba warbixinada ay ka heelan safaradahooda waana sababta keentay in dalal badani si toos ah ula macamilaan Somaliland iyo in shirkado waaweyn ugu soo dhiiradaan in ay maal gashadaan dalka, waliba wadamada qaarkood waxa miiska u saran in ay si buuxda u aqoonsadaan JSL.

Waxa hadaba layaab iyo amakaag ah in muwadin reer Somaliland ah oo shisheeyaha la dhacsan dawladnimada iyo horumarka Somaliland beninaya amaanta besha calaamka oo kula doodaya in Somaliland qarka u sarantahay in ay burburto. Waxaan maqli jiray “Rag waxa u liita tolki cay iyo taranti habaar” ; waxase ka sii liita kuwa nacay dalkoodii iyo dadkoodii.

Muwadin yaanay ku dhibin fakradaha guracan ee kooxdani, qurbo joogta waxay ka yihiin wax ka yar boqolkiiba hal, boqolkiiba sagaal iyo sagaashanka kale waxay wakhtigooda inta badan, maalkooda iyo maskax dooda u hureen hadana hadh iyo habeen u tagan yihiin taageerada iyo xaqiijinta madax bananida JSL. Kama Maarano ee iyagana ha loo duceeyo in u Ilaahay soo hadeeyo.

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami33@gmail.com

 

 

Leave a Reply