Xukuumada oo Idaacada BBC ka Joojisay in ay la Howlgasho JSL

0
370

Hargeysa (Dawan) – Xukuumadda Somaliland ayaa hakisay wadashaqayntii idaacada BBC Somali, kadib markii ay ku eedaysay in ay meel kaga dhacday qaranimada Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo warbaahinta la hadlay, ayaa idaacada ku eedeeyay in ay lumisay dhexdhexaadnimadii wararka, isla markaana ay meel hoose dhigtay qaranimada Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Markii magicii umada Somaliland meel adag oo aan la qaadan karin ay dhigtay hay’adda BBC-da ee laanta Afka Soomaaligu, markay lumisay dhexdhexaadnimadii ay u haysay umada Afka Soomaaliga ku hadasha, markii ay ka hor timid qaranimadii Jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo maanta waxan go’aamiyay in dhamaan wixii shaqo ah ee BBC-du Somaliland ka haysay la joojiyo”

Waxa uu wasiirku ku eedeeyay in madax bannaanidii Qaranimada Somaliland meel kaga dhacday“65 sano oo ay shaqaynaysay waxa ay bulshada Somaliland ku dhageysanayeen duruufo kala duwan, BBC waxa ay aqoonsan weyday in ay tahay dal Dimuquraadi ah oo 31 sano cagahooda ku taagnaa, oo doorashooyin galay, oo shan madaxweyne doorashooyin isku baddaleen, oo saddex gole baarlamaan isu baddaleen, erayada ay u isticmaasha waxa ay noqdeen kuwa aan u qalmin, aan u qalmin ee dhagaha umada reer Somaliland maqlaan, waxan lumisay dhaqankii iyo taariikhdii ka dhaxaysa umada reer Somaliland”

Wasiirku waxa uu sheegay in BBC Somali, ay iska indha tirtay jiritaanka Somaliland, isla markaana dadka reer Somaliland ay cabasho ka muujiyeen dhaqanka BBC-da oo uu sheegay in uu is badalay taasina ay keentay in ay gabi ahaanba joojiyaan howlhii Idaacadu ay ka haysay guddaha Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Cidkasta iyo xafiiskasta iyo masuulkasta oo qaranka ka tirsanina sidaasi ayuu ula soconaya, bulshada reer Somaliland waxa ay nagu badiyeen in aanay BBC-du ahayn tii la dhageysan jiray, ee ay tahay mid ka duwan tii bulshada Somaliland la jaanqaaday 65-ka sano”

Xukuumada Somaliland ayaa sannadihii lasoo dhaafay sidan oo kale shaqo joojin ugu samaysay idaacadaha BBC Somali, VOA Somali, Universal iyo qaar kale, iyada oo ku eedeeysay in ay ku xadgudbeen qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, iyadoo markii danbe laga heshiiyay, oo dib loo fasaxay.

 

 

 

 

Leave a Reply