Maxay shacbiga Somaliland uga raysan doonaan BBC-somaali?Faallo. Saleeban Kalshaale

0
94

Idaacadda BBC-du sanadihii u dambeeyey waxay Jamhuuriyadda Somaliland ku haysay xad-gudubyo iyo tacadi ka dhan ah dareenka muwaadiniinta, jiritaanka iyo madaxbanaanida dalka iyo meeqaamka dawladnimo, waxaanay soo kordhisay khidad cusub oo ay ku xaqirayso magaca iyo dalnimada qaranka 31 jirsaday, horena uga tirsanaa dalalkii boqortooyada Ingiriiska xornimada ka qaatay.

Sidoo kale, laanteeda afka Soomaaliga oo kamida warbaahinta loogu dhegaysiga badan yahay dhulka luuqaadaas lagaga hadlaa, waxay noqotay hay’ad warbaahineed oo ka fog dhexdhexaadnimada, kana been sheegtay siyaasadda iyo shuruucda ay ku shaqayso BBC-du, isla markaana waxay u xuub-siibatay Radio Muqdisho ama Radia Soomaaliya, sidaan uga baranay, dad badanina kor iyo hoos u rumaysan yihiin.

Dadka dhegaysigeeda ku xidhnaa wakhtiga dheer , waxay sheegaan in tan iyo markii ay soo kordhisay qaybta Nairobi ee shaqada ugu badani ka socoto, hoos u dhac weyn ku yimi tayadeeda warbaahineed, waana arrin xaqiiqo ah oo aan ku koobnayn tayada oo kaliye, balse waxa kale oo meesha ka baxay hannaankii dhexdhexaadnimada iyo u sinaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool wadamada ka jira Geeska Afrika.

Sidoo kale, Waxay u muuqatay inay samaysanayso dadyow Soomaali ah oo aan dawladdo iyo xuduuddo kala lahayn oo la isku yidhaahdo Jamhuuriyadda Bulshada Soomaali, taasoo la gaadhay heer loo fasirto inay Iib-geynayso keliya siyaasadda iyo dhacdooyinka gobol kamida dhulka ay Soomaalidu degentahay, gaar ahaan dalka Soomaaliya oo sida xaqiiqdu tahay ay xilli-tebin kasta oo ay hawada soo gasho wararka iyo barmaamujyada ay baahinayso ka fuudh iyo fursad-yeesho, halka wadamada kale ee Soomaalida, sida Somaliland, Djibouti iyo Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay siiso fursado aan joogto ahayn oo kooban.

Sidaasoo ay tahay, Xukuumadda Somaliland ayaa Salaasadii todobaadkan ka joojisay shaqadii warbaahineed ee ay dalka ka qaban jiray BBC-Somaali, kaddib markii ay ku kacday waxyaabo ku lidi ah qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md. Saleeban Yuusuf Cali Koore  oo warfidiyeenka u gudbiyey go’aankaasi.

Xukuumaddu waxa ay ku eeddeysay BBC-da  inay meel kaga dhacday madaxbanaanida, meeqaamka iyo qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegtay in aanay haba yaraatee ka shaqayn Karin dalka ilaa inta ay ka waantoobayso xad-gudubyada ay sida joogtada ah ugu hayso dawladnimada iyo shuruucda dalka.

Go’aankan uu soo saaray Wasiir Saleeban Yuusuf Cali (Koore), ayaa markiiba  ay shacbigu si weyn u soo dhaweeyeen, kuna tilmaameen mid lala daahay oo ay ahayd in wakhti horeba lagu fuliyo Idaacaddan oo khaati laga joogsaday dhibaatada ay ku haysay magaca Jamhuuriyadda Somaliland muddo iminka ku siman ilaa afar sanno.

Dhibaatadaasoo shiiqisay tabashooyinkii dhexdhexaadnimo la’aanta ahaa ee hore looga tirsanayey BBCda, ayaa magac-bixin gef ah oo ay ugu yeedhi jirty JSL,  taasoo ahayd “Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanideeda ugu dhawaaqday”waxaanay kelmadaasi biyo-kulul ku noqotay dhegaha shacbiga Somaliland, iyadoo si cad oo aan gabasho lahayna u xaqiraysa ama u yasaysa dawladnimada Dalkan, isla markaana meel ka dhac iyo xad-gudub ugu filanayd qof kasta oo waddankan u dhashay marka uu maqlo codkaas oo ay wariyeyaasha Nairobi iyo London ka soo hadlaa ku raaxaysanayaan.

Sidoo kale, waxa ay BBC-du todobaadyadii u dambeeyey qaadaa-dhigaysay warbixino ku saabsan sheekada Orodyahanka caanka ah ee Xuseen Cabdi Kaahin oo hore saaxada Ciyaaraha looga yaqaanay Mo Faarax, kaasoo marka ay ka waramayaan  meesha uu ka soo jeedo ay ku tilmaameen waqooyiga Soomaaliya. sidoo kalena dhacdooyinkii yaraantiisii uu la kulmay, sida qaabkii loo dilay Aaabihii ay ku tilmaameen dagaal sokeeye, taasoo ah iyaduna arrin kale oo lagu manjaro-habaabinayo xasuuqii ay Ciidamadii Soomaaliya u geysteen shacbiga Somaliland sanadihii 1987 ilaa 1990, barmaamujkaas laga diyaariyey Ninka Orodyahanka ah oo haddii si cadaallad ah loo diyaariyo, loona baadho duruufihii khasbay in Hooyo aan dhalin  ay geyso Waddanka Ingiriiska, dibada u soo saari lahaa  hurgumooyin iyo utumo dheeraada oo ku saabsan wixii Somaliland ka dhacay xilligaas wiilka iyo qoyskoodu kala lumen.

Qodobadaasi aynu kor ku soo sheegnay iyo kuwo kale oo ay kamid yihiin inay buunbuuniso dhacdooyinka yar yar ee gudaha Somaliland ka dhaca, waxay baal-marsan yihiin mabaadi’da warbaahineed ee caalamiga, shuruucda ay hay’addaha kale ee nooceeda ahi kaga shaqeeyaan adduunyada iyo waliba ilaalinta dareenka war-dhegaysteyaasha, mana jiraan sababo ficilladaas ka culus oo ay ku mutaysan lahayd in talaabadan laga qaado, iyada waa BBC-da iyo warbaahinta la nooc ah ee ku kacda.

Sidaas awgeed, Wasaaradda Warfaafinta oo qaranka u xilsaaran fulinta iyo jaan-goynta siyaasaddo iyo deegaan bulshadu ku hesho wararka, ruqsad-siinta warbaahinta caalamiga ah, horumarinta saxaafadda dawladda iyo ta gaarka loo leeyahay ee dalka iyo kor-joogtaynta hanaanka ay u shaqeeyaan laamaha warbaahintu, taasoo uu wakhtigan hogaaminayo Wasiir aqoon iyo waayo-arragnimo leh ahmiyadda ay leedahay shaqada wasaaraddu, si fiicanna u fahamsan saameynta togan iyo mida taban ee warbaahinta dalka ka warantaa, waxay qaaday talaabo dhegaha shacbiga ka damisay dhawaaq niyad-jab iyo naxli ku abuurayey quluubta oo ay sanaddo badan sugayeen wax ka qabta.

Leave a Reply