Kooxda Wasaaradda Warfaafinta ee Heerka Koowaad oo la soo Wareegtay Saddex Ciyaaryahan

0
354

Kooxda kubadda cagta ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ee ka ciyaarta horyaallada heerka koowaad ee caasimadda Hargeysa.

Kooxda wasaaradda warfaafinta ayaa ka mid ah kooxaha ugu fiican dhinaca kubadda cagta ee caasimadda Hargeysa.

Tabobaraha kooxda wasaaradda warfaafinta Maxamed Soomaali ayaa goob-joog ka ahaa saxeexii ay kooxdiisu kula saxeexanaysay heshiiska saddexda ciyaaryahan ee ay la wareegeen.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa socday suuqa ciyaartoyga Somaliland, kaasoo ay kooxo badan kula kala wareegeen laacibiinta u kala ciyaaraha kooxaha ka dhisan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Saddexdan ciyaaryahan ee ay la wareegtay shalay kooxda wasaaradda warfaafintu ayaa noqonaya ciyaartoyadii ugu badnaa ee mar keliya koox ka dhisan Somaliland ay heshiis la saxeexato, waxaana la filayaa inay wax ka bedelaan shaxda kooxdaas.

 

Leave a Reply