Haddii wixii kugu dhaca aad ku sabirto waxaad xagga Allah (sw) ka helaysaa abaal iyo xasanaad. Rasuulka Allah ﷺ (scw) waxaa laga wariyay xadiiskan:” waxaa la yaab leh arinka qofka mu’minka ah, arimihiisa oo dhami waa khayr (wanaag)
Arinkaasi wuxu gooni u yahay ruuxa mu’minka oo kaliya, hadii uu la kulmo arrin wanaagsan oo farxad geliya Allah (sw) ayuu u mahad naqaa, markaasi ayay khayr u noqotaa..
hadii wax dhib ahi ku dhacdona waa uu ku sabraa markaasi aya khayr u noqotaa”.