Gabriel Jesus oo Shaaciyey Waqtiga uu ka Tegayo Arsenal oo uu Xagaagan u soo Wareegay

0
343

Inkasta oo laba  toddobaad kaliya uu ka tirsan yahay Arsenal oo uu u saxeexay heshiis shan sannadood ah kaddib markii ay £45 milyan oo Gini kagala soo wareegeen Manchester City, haddana weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa shaaciyey waqtiga uu ka tegayo Emirates Stadium oo uu maalmo kooban joogay.

Jesus oo ay da’diisu tahay 25 jir ayuu Mikel Arteta qorshaynayay inuu muddo dheer sii joogo Arsenal oo waliba ay awoodi doonaan inay kordhiyaan qandaraaskiisa marka uu shanta sannadood dhamaysto, hase yeeshee laacibkan ayaa sheegay in qorshihiisu yahay in shan sannadood uun uu u ciyaaro Arsenal.

Gabriel Jesus oo Arsenal ku tilmaamay mashruuca ugu wanaagsan ayaa sheegay in kaliya aanu ka fikirkayn waqtigan la joogo laakiin uu sidoo kale ka fikirayo mustaqbalkiisa fog iyo sida ay noloshiisu ku dambaynayso.

Waraysi uu siiyey warbaahinta TNT Sports ayuu ku yidhi: “Sidii aan hore u sheegay, mar walba waxa aan jecelahay mashaariicda ku habboon noloshayda, waxa aan jecelahay in waxyaabaha aan samaynayo aanay noqon kuwa maanta uun ah, laakiin sidoo kale waxa aan ka fikiraa mustaqbalka fog.

“Halkan uma aanan imanin in aan joogo sannad ama laba sannadood, laakiin waxaan u imin in aan shan sannadood joogo, sidaas ayaanan ku fikirayaa. Waxa aan u dagaallamayaa sidii aan u guuleysan lahaa.”

Gabriel Jesus waxa uu intaa ku daray, in uu la socdo in Arsenal aanay muddo dheer ku guuleysanin horyaalka laakiin waqtigii uu joogay Palmeiras aanay sidoo kale muddo 22 sannadood ah ku guuleysanin horyaalka Brazil, isaga oo hoosta ka xariiqay in Arsenal ay horumar samaynayso.

Mar la weydiiyey waqtiga uu ka tegi doono Arsenal ayaa waxa uu yidhi: “Go’aankaygu waa in aan joogo shan sannadood. Go’aanku wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah.”

Hadalka Gabriel Jesus ayaa ka dhigan, in uu Arsenal ka tegi doono shan sannadood kaddib oo aanu qancdaraaskiisa cusboonaysiin doonin, laakiin muddadaas dheer ayay wax walba isbeddeli karayaan.

 

 

Leave a Reply