Badhasaabka Gabiley Oo Soo Dhaweeyay Dhalinyaradii Soo Dhamaystay Carbiska Shaqo Qaran

0
225

Gabiley (Dawan): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay soo dhaweeyay dhalinyarada soo dhamaysatay carbiska shaqo qaran ee gobolka Gabiley.

Dhalinyaradan ayaa qayb ka ahaa dufcadii afraad ee soo dhamaysatay barnaamijka shaqo qaran gaar ahaana gobolka Gabiley.

Kuwaasoo tiradoodu dhan tahay 19 qof, waxaa soo dhawaynta dhalinyarada shaqo qaran waxaa badhasaabka ku wehelinayay maayarka Gabiley, iyo xubno ka mid ah golaha degaanka Gabiley.

Badhasaabka Gabiley oo la hadlay dhalinyarada uu soo dhaweeyay ayaa ku bogaadiyay dedaalka adag ee ay u soo mareen carbiska shaqo qaran.

“Waan idin soo dhawaynayaa, waanan idiin hanbalyaynayaa. Markii hore na aqoon baad ku gasheen barnaamijka shaqo qaran, imikana idinkoo soo dhamaystay tababarkiinii ayaad soo noqoteen. Markaa maanta waxaad tihiin Ragg ka suntan qaranka iyo dadka kale” ayuu yidhi badhsaabka Gabiley.

C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa kaloo uu sheegay in si weyn qaran ahaan loo mahadiyay barnaamijka shaqo qaran oo uu hal-abuurkiisa lahaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Iyadoona dhalinyaradda loo xulo carbiska shaqo qaran ee soo dhamaystaa ay sharaf iyo karraamo leeyihiin.

Waxaanu yidhi, “Barnaamijka shaqo qaran, wuxuu kaga duwan yahay wax walba, qofku markuu soo marro shaqo qaran sharaf buu leeyahay. Barnaamijkaasi maanta Somaliland oo dhami way wadda hilaadinaysaa.

Kollay, tababar baad soo marteen, way badan oo waajibaadkiina ahna waa la idiin soo sheegay. Maanta masuuliyad baa idin saaran culus, oo waddaniyadeed. Wax badan oo aanay shaqaalaha kale ee dawladu fahamsanayn ayaad fahamsan tihiin”.

“Waa in aad dadka kale ka suntanaataan marka aad tagtaan xarumaha iyo xafiisyadfa dawladda, iyo marka aad suuqa joogtaan ba, waana inaad bulshadda wax ka bedeshaan. Waana in wixii aad soo barateen, aad dadkeenna iyo qarankaba wax kaga bedeshaan” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Leave a Reply