“Fikirkii Madaxweynaha ee Shaqo Qaran Ummadaa ku badbaaday waxtarkiisa” Taliyaha Ciidanka Qaranka

0
377

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaacil Taani ayaa shaaca ka qaaday in fikirkii Madaxweynaha ee Shaqo Qaran ummadu ku badbaaday, isla markaana maalintii uu Madaxweynaha JSL bilaabay dad badan oo uu ka mid yahay uula muuqatay Riyo iyo hawl aan la qaban karin.

Taliye Nuux oo hadal ka jeediyey munaasibad tababarka loogu soo xidhayey dufcadii afaraad ee ka qalinjebisa Dugsiga Tababarka Shaqo Qaran ayaa sheegay, in fikirkii aasaaska Madaxweyne Md. Muuse ee shaqo Qaran uu rumoobay, waxtarkeediina muuqato oo dufcadii afaraad ka qalinjebisay,

“Waxay ku barteen dhaqanka ciidan iyo raacitaanka nidaam keliya, halkay hore qofwalba gaarkii u soconayey. Waxay kaga xoroobeen qabyaaladii shaqo qaran, walaaltinimada dhexdooduna way xoogaysatay” ayuu sheegay taliye nuux mar uu ka hadlayey waxtarka barnaamijka shaqo qaran.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux oo ka hadlayey qeybtii ciidamadda Qaranka ku biiray ayuu sheegay inay hore xirfado kala duwan u bareen, xilligana tababar saraakiisha cusub ay qaateen, tababaro kale dhowaan ayey qaadan doonaan.

“Waxaan u diyaarinaynaa madaxdii mustaqbalka la wareegi lahaa waajibaadka kala duwan ee ciidanka.

Taliye Nuux ayaa sheegay in fikirkii shaqo qaran ee Madaxweynahu bilaabay ka badbaadisay dhalinyaro badan, taasina tahay guul dhamaan shacabka Somaliland iyo waalidiin badan ka abaalcelinayaan.

“Fikirkii Madaxweynaha ee barnaamijka shaqo qaran ummada ku badbaaday waxtarkiisa, maadama inbadan hadaanay helin raaci lahaayeen tahriibka.

 

 

 

 

Leave a Reply