Salaadiinta Gobalka Awdal oo ku Baaqay Ilaalinta Amniga Dalka

0
237

Boorama (Dawan) Salaadiinta Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobalka Awdal ayaa sheegay in aanay cidna ka yeelan in ay wax u dhinto Nabedgalyada dalka.

Salaadiinta Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobalka Awdal oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama ayaa waxay sheegeen in loo baahanyahay in la ilaaliyo Nabedgalyada, waxaana ay intaasi ku dareen in ay ka soo hor jeedaan wax kasta oo wax loogu dhimayo xasiloonida dalka.

Mid ka mida Cuqaasha Gobalka Awdal ayaa waxa uu farriin u diray Xisbiyadda. Waxaana uu yidhi “Waxa aan leeyahay Nimanka Xisbiyada ku jira Umadda ha baabiinina, Somaliland way dhisantay way wanaagsantahay wax dawladnimo nagu dhaamaa ma jiraan, waxa aanu leenahay Nimanka Mucaaradka lagu sheegayo Nabedgalyada ha la ilaaliyo.”

Cuqaashii halkaa ka hadashay ayaa waxa ay tilmaameen in ay ku baaqayaan ilaalinta Nabedgalyada.Waxaana uu yidhi.”Cuqaashii Gobalka Awdal hadaanu nahay nabedgalyo ayaanu doonaynaa,Dagaal iyo isjiidjiid tamar looma hayo,waxa aanu leenahay Nabedgalyada hala ilaaliyo dagaal uma baahnin ayaanu leenahay”.

Sidoo kale Cuqaashii halkaa ka hadashay ayaa waxa uu sheegay in cidna aanay ka yeelan in ay Nabedgalyo daro abuurto.Waxaana uu yidhi doono”Cidna ka yeeli mayno Nabedgalyo darro,cida wada waanu ka soo horjeednaa Nabedgalyo darro.Ururada tobankii sanaba marbaa la furayay way gaadhay wakhtigoodii doorashadooda hala qabto Dastuurka hala raaco, in la furo Ururada waala sugayay Bari iyo Galbeedba,laakiin cida wax kale wada ee Nabedgalyada wax u dhimaysa Ninka Siyaasiga ahi yaanu Umadda jahwareerin”.

 

 

 

Leave a Reply