Wasiirka Biyaha oo xadhiga ka jaray Ceel laga Bineeyay Duleedka Borama

0
225

Borama (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa xadhiga ka jaray ceel biyood cusub oo laga hirgeliyay duleedka Jaamacada Camuud.

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig ka jarka ceelkaasi waxa hadal ka jeediyay isu’duwaha wasaaradda horumarinta biyaha ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Dhimbiil oo sheegay in ceelkani yahay kii labaad ee laga hirgeliyo duleedka Jaamacada Camuud, kaas oo qayb ka noqon doona balaadhinta biyaha magaalada Borama.

Maareeyaha shirkada maamuusha biyaha magaalada Borama ee Shaaba Cabdiraxmaan Sheekh Cabdisalaan, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ceelkan iyo kii horeba ay qayb ka qaadan doonaan horumarinta biyaha magaalada Borama, waxaanu u mahadceliyay maamulka gobolka Awdal iyo wasaaradda horumarinta biyaha oo ceelkan hirgeliyay.

Maayirka magaalada Borama Maxamed Axmed Warsame iyo guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa soo dhaweeyay ceelkan cusub ee laga hirgeliyay magaalada Borama,waxaaney xuseen in ceelkani uu qayb ka qaadan doono dadaalada wasaaradda horumarinta biyuhu ugu jirto sidii bulshada Borama biyaha looga xaqabtirilahaa.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in ceelkani yahay kii afraad ee muddo lix bilood ah wasaaradda biyuhu ay ka hirgeliso goobo kala duwan oo ku yaala gobolka Awdal, waxaanu intaas ku daray in wasaaradda biyuhu ku hawlan tahay sidii loo kordhinlahaa ceelasha biyaha ee guud ahaan dalka.

Wasiir Cali Mareexaan wuxuu bulshada ku nool magaalada Borama u soo jeediyay inay ilaashadaan ceelkaasi, wasaaradduna ay ku dadaali doonto sidii loo horumarinlahaa biyaha magaalada Borama.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed waxaa uu yidhi. “Biyahan siweyn ayay uga faa’idaysan doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo 4 bilood ee u danbeeyay waa ceelkii afraad ee aanu xadhiga ka jarno, haddii ILLAAHEY yidhaahdo ceelkii shanaad ayaanu isagana qodi doonaa, rajjo aad u weyn ayaanu ka qabna in wax badan ay ka tari doonaan biyaha magaalada Borama”

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply