Waxa Muuqata in aanay Umaddu Wada lahayn Xisbiyada Balse la Wada Leeyahay Xukuumada

0
515

“Golaha wakiillada oo ay aqlabiyadu tahay mucaaradka waxay soo reebeen labadii xubnood ee beelaha darafyadda ka socday intii kalena way sii daayeen”

 “Waxaa la inaga rabaa xirfad iyo aqoon dawladnimo oo qofku garto sida loo wada joogayo iyo sida wax loo wada yeelanayo…” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Boorama (Dawan): Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in dadka diidan in ururadda la furo ee hor taagani aanay doonaynin in la dhiso qaran loo wada dhan yahay.

Kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay rabaan in saddex nin oo isku reer ahi ay miiska xisbiyadda qaranka soo fadhiistaan, taasoo muuqaal ay Somaliland u dhan tahay aanu muuqan oo beelihii darafyadu aanay ka dhex muuqan.

Wasiirka warfaafinta ayaa duray tallaabadii ay dhawaan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ku celiyeen laba xubnood oo ka soo jeeday beelaha beriga oo ka mid ahaa xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka Somaliland.

Wuxuu sheegay in aanay weligeed dhicin intii Somaliland jirtay in golaha Wakiiladu intuu wax kala saarro beelihii dhexena uu sii daayay ama ansixiyay, halka xubnihii beelaha darafyada na ay diideen.

Arrintaasi ayuu wasiirku ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin xisbiyadda mucaaradka ah oo aqlabiyadda golaha Wakiiladda haysta, sidaa darteed na aan xisbiyadda la wada lahayn, balse qaranka la wada leeyahay.

“Dadka diidan in ururadda la furo, hor taagani, waxay rabaan in 3 nin oo isku reer ahi ay miiska soo fadhiistaan, oo muuqaal aan Somaliland ahi ka muuqan. Anaguna waxaanu leenahay halaga wada muuqdo qaranka, ururadda hala furo, oo wax hala wada yeesho” ayuu yidhi wasiirku.

Isagoo hadalka si watayna waxa uu yidhi, “Golaha Wakiiladda waxaa dhawaan la hor keenay laba xubnood oo ka soo wada jeedda goboladda bariga Somaliland. Golaha oo ay aqlabiyadu tahay mucaaradka waxay soo reebeen labadii xubnood ee beelaha darafyadda ka socday.

May dhicin intii Somaliland jirtay gole intuu wax kala saarro beelihii dhexena sii daayay ama ansixiyay, xubnihii beelaha darafyada na ay diideen. Sidaa darteed xisbiyadda lama wada laha, ee qaranka ayaa la wada leeyahay. Waa xisbiyadda mucaaradka ah waxa waxaa samaynayaa”.

Saleebaan Cali Koore, oo hadalkan ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Boorama, ayaa bulshadda reer Boorama ugu baaqay in looga baahan yahay in ay kor uga ahdlaan xaqa ay leeyihiin, isla markaana aanay jirin cid ku dhibsanaysaa.

“Reer Boorama waxaa laga rabaa in aad kor u hadashaan, idinku hoos ha u wada hadlina’e xaqa aad leedihiin in aad ka hadashaan cidi idinku dhibsan mayso” ayuu yidhi wasiir Saleebaan Cali Koore.

Geesta kale wasiir Koore, ayaa soo jeediyay in la inooga baahan yahay xirfad, iyo aqoon dawladnimo oo qofku garto sida loo wada joogayo, iyo sida wax loo wada yeelanayo, iyadoo ay qarannimadeena ka muuqata in aan mararka qaar gole-ka fuulayno oo dad aan bislaanini ay maamulayaan.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in aanay ummadu wada lahayn xisbiyadda qaranka, balse waxa keliya ee ay wada leeyihiin ama ka dhexeeyaa uu yahay dawladnimadda iyo xukuumadda maanta jirta.

“Waxaa la inaga rabaa xirfad, iyo aqoon, dawladnimo oo qofku garto, sida loo wada joogayo, iyo sida wax loo wada yeelanayo. Waxaa qarannimadeena ka muuqata in aan mararka qaar gole-ka fuulayno, oo dad aan bislaanini ay maamulayaan”.

 

 

 

Leave a Reply