“Xaqiijinta Xasilloonida Somaliland oo Sii Socota waxay Naga Caawinaysa Ilaalinta Nabadda UK.…” Stuart

0
495

Baarlamanka UK oo dhegeystay Baaqii abaaraha ee Madaxwenaha JSL

Hargeysa (Dawan) Baarlamaanka Ingiriiska oo laga akhriyey baaqii wax ka qabashada abaaraha ee Madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi u jeediyey caalamka, ayuu Xildhibaan Stuart Polak sheegay in Somaliland ay la tacaalayso sicir bararka ka dhashay dagaalka Ruushka oo xayiraad ku soo rogay dekedaha Ukraine iyo sida ay uga qayb qaadan karaan khatarta macluusha Geeska Afrika.

Xildhibaan Polak, oo ka tirsan golaha Guurtida Ingiriiska oo hore saamayntii dabkii suuqa Waahen uga sheegay Golaha Guurtida ayaa si weyn uuga hadlay saamaynta cunto-yaraanta ka dhalatay dagaalka ruushka ku keenay bulshada somaliland, siduu madaxweyne Md. Muuse ku cadeeyey baaqii wax ka qabashada abaaraha uu caalamka u diray,

Golaha Guurtida oo fadhigii Khamiista dood ka yeeshay saamaynta dagaalka Ruushka ee xayiraada dekedaha dalka Ukraine ayuu xildhibaan Polak oo hadal ka jeediyey ku bilaabay;

Wargeyska Telegraph online waxa uu daabacay maqaal uu ciwaankiisu ahaa “Marka hore xoolihii ayaan waayey. Ka dib waxaan waayey caruurteydii”, oo muujineysaa xaalada abaaraha iyo cunto yaraanta ka jirta Somaliland iyo Wadamadda Geeska Afrika.

Sheekadu waxay qeexaysaa xaalada daran ee haleeshay hal qoys, balse waa dhacdo haysata dalalka Geeska Afrika oo dhan. Sida laga soo xigtay Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah, oo sheegay in ka badan 18.4 milyan oo qof oo ku nool gobolka, oo kala bar ay yihiin carruur, ayaa qarka u saaran inay macluul u dhintaan.

Inkastoo abaarta ba’an ay sabab weyn u tahay xaaladda degdegga ah ee hadda jirta, haddana abaartu maaha sababta sicir-bararka keentay keligeed. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa 11-kii bishan July soo saaray warqad uu kaga dalbanayo gurmadka abaaraha. Waxa uu warqadda ku bilaabay sidan.

“Waddan wali la daalaa dhacaya saamaynta COVID-19, abaaraha is-daba-joogga ah, iyo dagaalka Ukraine ayaa sii xumeeyay dhibaatada bini’aadantinimo ee Somaliland.”

Warqadda Madaxweyne Cabdi waxa ay qeexaysaa sida dagaalka ka dhacaya gobol qiyas ahaan ka durugsan ​​5,000 oo mayl uu u suurtageliyay in uu saameyn weyn ku yeesho gobolka.

Somaliland waxa ay ka soo dhoofsataa kala badh cuntada qarankooda, oo ay ku jirto 92% sahaydooda sarreenka, Ukraine ama Ruushka.

Waxase loo baahan yahay inaynu ka fikirno saamaynta xun ee carqaladayntaasi ku yeelatay dalal ay ka mid yihiin Somaliland, Jabuuti iyo Suudaan.

Xildhibaan Polak ayaa hadalkiisa raaciyey “Caawinta Somaliland kaliya maaha masuuliyad damiireed oo inanga saaran wadankan xulafada la ah Ingiriiska. Somaliland waxa ay ka xorowday qalalaasaha argagixisanimo ee maalinlaha ah ku dhawaaday ee ay al-Shabaabka xidhiidhka la leh Al-Qaacidda ka gaystaan gobollada kale ee Soomaaliya. Sababta oo ah Somaliland waxay ku bixisaa inta badan miisaaniyad sanadeedka amniga. Xaqiijinta xasiloonida Somaliland oo sii socota ayaa naga caawinaysa nabadgelyada UK, in aan ilaalino.

Waxaan mar labaad ka codsanayaa Wasiirka khaarajiga oo aan ogahay in uu arrintan si fiican u fahmayo inaan ka soo baxno waajibaadka naga saaran shacbiga Somaliland. Waxay u baahan yihiin gacan-qabsigeenna, waxay u baahan yihiin gargaarkeenna, waxay u baahan yihiin aqoonsi.

 

 

 

 

 

Leave a Reply