Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Shirguddoomiyey kulan ay Yeesheen Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaruhu

0
285

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne-ku-xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shir-guddoomiyey kulan ballaadhan oo ay maanta yeesheen xubnaha guddigga gurmadka abaaruhu.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayey xubnaha guddigu kaga wada hadleen xaaladda abaarta dalka ka jirta ee soo cusboonaatay, waxana lagu naaqishay baahida loo qabo sidii gurmad qaran oo xukuumad iyo shacabba laga wada qayb qaato loo gaadhsiin lahaa deegaannada ay abaartu taabatay.

Gebo’gebadii fadhiga, waxa la go’aamiyey in la dardargeliyo hawlaha gurmadka iyo taakulaynta ah ee ay guddidu qaranka u qaabilsan tahay, loona diyaar garoobo xaaladda abaarta ee haatan taagan.

Kulankan madaxweyne ku xigeenka iyo guddida heer Qaran ee abaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli ay abaar baahsani dalka ka jirto.

 

 

 

Hadhima-sharafeed loo Sameeyay Daahir Riyaale iyo Taladii uu soo jeediyay

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Casuumad lagu maamuusay oo loo sameeyay madaxweynihii hore ee Somalioland mudane  Daahir Rayaale Kaahin, oo uu ku maamuusay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibril, isla markaana ay ka soo qayb galeen, haldoorka siyaasiyiinta Somaliland, guddoomiyaha golaha wakiillada, guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka, iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin.

Daahir Rayaale ayaa xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ugu baaqay in khilaafka sharci eek a dhashay arrimaha doorashooyinka lagu dhameeyo wada hadal iyo isu tanaasul.

Sidoo kale waxa uu ILLAAHEY ka baryay in raxmaadkiisa uu dadka u shubo oo abaaraha daba dheeraaday ka soo jabiyo.

 

waxaanu yidhi.“ILLAAHEY abaaraha ina haysta haynaga soo jabiyo, khilaafkuna waxba inoo tarimaayo ee hala wada hadlo, heshiisna hala gaadho, oo taladeenu heshiis ha noqoto.

Haddii aad murantaan waad fashilmaysaan, balse haddii aad wada hadashaan oo heshiisna aad gaadhaan guulbaad gaadhaysaan, waxaan rajjaynayaa arrimaha taagan in ay heshiis ku dhammaadaan,”

Leave a Reply