Faa’iidada Kalluunka, Caqabadaha Kalluumaysiga iyo Hanaanka looga Gudbi Karo

0
172

Somaliland waxay leedahay xeeb dhererkeedu tahay 850km ceelayo ilaa Lowya-caddo ee Badda Cas iyada oo ay ku jiraan kalluun kala duwan, shidaal iyo macdan aad u tiro badan. Intaynaan u gudbin dhibaatooyinka jira iyo sida looga gudbi karo ka hor  bal aynu wax yar ka ogaano noocyada kalluunka Somaliland  iyo faa’iidoyinka caafimaad.

Noocyadda kalluunka ee ku jira Badda Cas waxa lagu qiyaasaa ku dhowaad ilaa 1200 oo nooc, waxa u gaar ah oo laga hellaa 10% nooc oo aan caalamka laga hellin.

Magacyada cilmiyaysan (scientific name) ee loo bixiyo kalluunka waxay ka yimaaddaan nidaam taxan oo la isku raac-raaciyo  koox-koox, waxaana loo yaqaana abla-ablayn, iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa la sii horumariyo.abla-ablayntu waxay sahashaa dib u tixraaca sinjiga  noolaha  haddaba soomaalidda dhereran xeebaha ayaa ah kuwo noocyadda kalluunka u bixiya magac, kaas oo noqda astaan ,calaamad ama midabka kalluunku leeyahay.

Waxa  aynu ka soo qaadanaynaa, qayb kamid ah magacyadda kalluunka ee xeebaha Somaliland, Caruusa, Fanaani, Saynuud, sanaani, Aaylub, Bari-xume, Sabadin, Shirib, Ganberi, Bacoo, Shilinbis, khashaar, Libaax, kalbulbaxar, Carabiqud, Mushnuus, Kumal, Caruusa Siisaan, Xilwa, Sakhlad, Caqaam, Cawrad, Ximaari, Faras, Shoox, Subulqaad,  shirwo, saynub, sinagub, Booraad, Qardabo, Nimiraani, Abuseef.

Kallunkaas ayaa ah kuwo kala qiimo iyo waxtar kala duwan leh tusaale  nooca loo yaqaano Fanaani oo laga helo baddeena ayaa  laga sameeyo khadka qallimaanta wax lagu qorro.

Kalluunka loo iib gayn karro sayladdaha caalamka aynu iyagana wax yar ka ogaano Caydi (sardine), Shirwo, Taraaqad, Tabadin, Sucbaan, Gacoorre (catfish), Gaxaash(emperor), Labagardhle (goatfish), Qawqab(shrimp).

Aargoosatada (lobster), noocan ayaa wuxuu ka mid yihiin kalluunada ugu qaalisan sayladaha caalamka kaasoo qiimaha 1kg uu yahay dubai 25$ halka Asia bari uu yahay 35$ . Haddaba xeebaheena Somaliland waxa lagu qiyaasaa sanadkii in laga soo saari karo aargoosato dhan 300 tone taasi oo hadii suuq loo abuuro  runtii sare u qaadaysa koboca dhaqaalaha dalka maadaama oo waxaynu dhoofino 1/4 ka yahay wxaynu soo-dejisano (import).

Faa’iidoyinka caafimaad:

Cunida  kalluunku waxaa laga hellaa vitamin D, oo inta baddan jidhkeenu aad ugu baahan yahay darraasad kala duwan oo la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in madada Omega-3 fatty acid laga sameeyo saliida kallunka,taas oo kalluunka cunistiisuna yarraysa 50% khatarta cancerka  xannuunada sida macaanka, dhiigkarka, wadne xannuunka, dhiig-yaraanta.Wuxuu kor u qaadaa aragtida indhaha, waxa kaloo uu ka qayb qaataa koboca maskaxeed ee bani’aadamka.

“Nin saboola iyo maalqabeenba, waa sadho dhextaallaaye

Waxse loo simay waa kalluun, sabi uun baa mooge

Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tagee

Badda saylac saaxiliyo berbera, tan iyo seyhaaba

Waxa sare iyo hoos ku jira, waa sareedada’e

Somaali baan Garran intay, sillic ku noolayde”Abwaan Cali maax

Dhibaatooyinka: Carqaladdaha Hor Taagan Kalluunka

Halbeega lagu cabiro kartida ummadeed ayaa wuxuu yahay awooda wax soosaar ee dalkooda. haddaba Marka aad arragto xeebaha dalkeena ayaa ah kuwo ay ka muuqdaan dayacnaan iyo daryeelka kalluunka oo aad u liita taasi waxay fadhiid ka dhigtay hiigsiga horumarineed ee tartanka waxsoosaar ee kalluunka. Waxaynu  aragnaa  Kallumaysatada adduunka oo fulinaya howl-galo baddan iyaga oo  ka kalluumaysanaya goobo ka durugsan deegankooda ilaa ay yimaadaan xeebaha Somaliland, waxay intaa u kuurgalayaan sidii ay u dabooli lahayeen baahida bulshad u qabto sidii ay u heli lahayd kalluun daray ah, Dhinnaca bulshadooda ayaa iyaguna ka howl yarraysan diyaarna ula ah inay lacago dheerraad ah ku bixiyaan sidii ay u heli lahaayeen kalluun. waxa aynu  aaminsan nahay  in aynaan dhaqan u lahay jilaabashadda kalluunka laakiin cuna.taasna waxa sii xoojiyay qaabab kala duwan. soomaalidu waa dad ka faana iskuna caaya kalluunka.

Waxa adag sidii kalluunka lagu soo gaadhsiin lahaa magaaloyinka waawayn sababtoo ah wadooyinka oo aan dhisnayn, korOntadda oo qaali ah ama aan wali gaadhin, qalabka gaadiidka kalluumaysi oo aan laga hellin dalka.

Kaluumaysiga sharcidarada ah: Ciidamadda illaalada xeebaha oo aan awood buuxda u lahayn inay xakameeyaan kalluumaysiga tuugadda ah. shirkadaha sida sharcidarada u kallumaysta ee loo yaqaano Illegal, Unreported and Unregulated (IUU).  Ayaa dhibaatooyin ku haya khayraadka kalluunkeena sidoo kalle xaaluf iyo nabaad-guur darrana u gaysta noolaha iyo dhirtaba, iyaga oo si isdaba joog ah ugu soo noqnoqda, taa waxaa sabbab u ah gannaaxa ciqaabta laga qaaddo marka ay qabtaan ciidamada illaalada xeebuhu oo aad u yar awgeed. Bal aynu eegno waddamo ka mid ah qarraada Africa sidii ay kaga hor tageen aafadaa qarran. Tansaaniya March 2009 waxay xidheen doon ay ka qabteen meel u jirta 100 miles xeebta Tanzania taasi oo siday 70 tonne oo kallun ah oo u dhiganta lacag dhan 900,000$ wakhtigaa wixii ka dambeeyay waxay ku wargaliyeen cidii lagu qabto sharcidaro iyagoo u kalluumaysanaya in ay ku xukumi doonaan 20$millon ama xadhig u dhigma lacagtaasi (stop illegal fishing 2008).

Waxaa iyana ka sii daran Suntan sida qarsoodiga ah lagu soo qubo xeebaha geeska Africa: Sunta nooca loo yaqaano Toxin iyo wasakhda hadhaaga Nuclear oo si qarsoodi ah lagu soo qubo xeebaha dhulka Soomaalidda, ayaa waxay cidhib tiraysaa dhirta uu ugxanta dhigto  kalluunka deegaanka ah. kharashaadka oo ka yarraanaya owgeed, bal u fiirso suntaasi marka si amaana loogu aasayo dalalka yurub ayaa lacagta  ku baxaa 1tone tahay 250$,  halka xeebaha Somaliland ay ku kacayso soo qaadista iyo daadinta 1 tone 2.5$.(Un report,2005)

“Qubadii boob lagu casee

Maraakiib booliyaa

Baroosinka laygu xidhay

Baddaa ooydoo na tidhi

Baaruud nugliyeerahiyo

Hadhaaga is biirsadiyo

Beley igu aasayaan” Abwaan Ahmed Aw-geedi waxa uu kaga faaloonayaa maansadan la yidhaahdo “Tawaawac Baddeed” ka dib markii uu dadku khayraadkii badda la soo baxi waayay kana faa’iidaysan waayay manaafacaadkeeda ee shisheeyuhu ku takrifalo.

Qorshe sanadeedka 5 sano ee ay dawladdu ugu talo gashay horumarinta  qaybta khayraadka iyo khayraadka bada ayaa wuxuu dhan yahay 5.8$ million  (Somaliland dev plan 2011-2016)  qarashkan oo marka loo eego baaxada iyo baahida horumarineed aanay marnaba  is daboooli-karin ama buxin karin baahida horumarineed ee kalluunka. Inaga oo dareensan culayska, masuuliyada iyo howsha u taala wasaarradaha qaabilsan hawshan.

“Waxaanu siinaynaa qalabka iyo xirfad ay ku shaqaystaan cidii rabta in ay badda ka kalluumaystaan ”wasiirka wasaarrada kalluumaysiga,Cali Buureed”.

Sida xal loo heli karo:

Dhibaatoyinkaa kor ku xusan waxaynu kaga gudbi karnaa inaga oo dhinnac uga soo wada jeedsana dhammaan qaybaha bulshada ganacsatada iyo dawladda sidii aynu u soo saari lahayn kaydkaa kalluunka ee 23 sanno ku duugnaa badda.

Hadaba Habka ugu macquulsan ee dadka looga dhaadhicin karo in ay cunaan, ka ganacsadaan, ilaashaddaan kalluunkooda waa in la kulmiyo dadka aqoonta u leh cilmiga nafsiga (psychology) iyo aqoonyahanada ku xeel dheer kaluumaysiga iyo baddaha oo lagu dabaqay diinteena islaamka si ay u dhiiri-galiyaan sidii ay dadkeenu kalluunkoodda u soo saaran lahayeen, habkani waa ka ugu suurtogalsan ee wax baddan ka badali karra xaalada imika jirta.

Waa masuuliyad ina wada saaaran dhamaanteen inkasta oo la kala muddan yahay masuuliyada ugu wayni waxay saarran tahay wasaarrada  kalluumaysiga iyo khayraadka badda iyo kuwa ka qayb qaata  horumarinta khayraadka kalluunka dalka sida, wasaarrada madaxtooyadda (wadooyinka). Wadooyinku waxay ka qayb qaataan horrumarinta dhaqaalaha dalka waxay si xoogan uga qayb qaadanaysaa isu socodka gadidka taasi oo inaga caawinaysaa in kallunka laga soo qaado magaallo xeebedyadda si uu u soo gaadho suuqyada ama goobaha loogu talo galay isaga oo daray ah.

Leave a Reply