Qof Mar Kasta Aaminsan Inuu Dulman Yahay!

0
300

Xanuunka Fusam (Schizophrenia)  waa xanuun maskaxeed qalloociya habka uu qofku u fikiro, u dhaqmo, dareenkiisa u cabiro, xaqiiqada jirtana u waajaho, ama si wanaagsan u arko xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo dadka ku xeeran.

Dadka qaba xanuunka Sofeniyo waxa ay ku qabaan dhibaatooyin xagga shaqada iyo bulshada dhexdeeda, goobta shaqada, dugsiga, iwm.

Xanuunkani Schizophrenia wuxu qofka ku keenaa in maskaxdiisu amaro khaldan bixiso.  Wuxu wax ka bedela sida qofku u fikirayo ama u arkayo dunida. Inta badan waa qof iska shakisan, oo hiifaya nolosha uu ku jiro.

Dadka xanuunkan qabaa waxa ay u hadlaan si yaab leh, ama hab werwer ka muuqdo, waxaana ay aaminsan yihiin in dadka kale doonayaan inay dhibaateeyaan ama xuquuqdiisa duudsiyo.

Way ku adag tahay inuu wada hadal ka galo cabashadiisa, waxaana uu aaminsan yahay in mar kasta la khiyaamaynayo oo la dulmiyay.

Dadka xanuunkan qabaa waxay ku jiraan cabsi joogto ah iyagoo aaminsan in aanay weligooda cadaalad ka helayn waxay ka cabanayaan. Dadka xanuunkan qabaa waxay isu haystaan inay caafimaad qabaan waayo wuu shaqaysanayaa, doorasho ayuu gelaya wax kastana wuu qabsnayaa laakiin runtii wuu bukaa mar hadii kalsoonidii ka luntay.

Inta badan xanuunka qofka qabaa waxa uu arkayaa dadka kale waxa ay haystaan, mana arkayo waxa isaga gacantiisa ku jira.  Waxaana Islaamku ku daweeyay in uu qofku badiyo ku xidhnaansha Allah iyo cabsida Rabbi. Iimaanka xooggan ayaa burburiya xanuunkan oo ka dhasha aduunyo jacayl iyo iska dabaridka nolosha dhalaalkeeda.

Leave a Reply