Taariikhda Xuquuqda Qoraaalka!

0
380

Markii ay kordheen daabacadda noocyada kala duwan ee buugaagta xambaarsan mawaadiicda kala duwan qaaradda Yurub sanadkii 1436, ayay curatay fikradda ah xuquuqda daabacaadda (Copy right).

Markii madabacadii Gutenber printing press ay bilaabantay buugaagta lagu daabacay  oo kumanaan ahayd ayaa mar keliya gaadhay malaayiin bug oo Yurub oo dhan qarqisay.

Koritaankaasi baaxadda leh oo ay la socotay fursado dhaqaale ayaa muujiyay in baahi degdeg ah loo qabo ilaalinta xuquuqda qoraaga iyo xuquuqda daabacaha baahinaya. Kuwaasi oo xaq u leh in looga ilaaliyo budhacadda qoraalada iyo suugaanta xada.

Sharciga ilaalinta xuquuqda daabacadda (Copy right) ee ugu horeeyay dunida waxa London lagu ansixiyay sanadkii 1710 kaasi oo si cad u sugay xuquuqda qorayaasha iyo hal abuurada, iyadoo Maraykanka la ansixiyay 1790.

 

Sharciga copyright ee ugu horeyay adduunka ee, “Statute of Anne”, ayaa  lagu ansixiyay England 1710.. Tani ayaa fududaysay in buugaag badan la soo saaro kuwaasi oo qiimo jaban gudaha iyo debedda loogu gudbiyay. Waxaana ay ahayd arrin kor loogu qaaday looguna dhiirgeliyay qorayaasha iyo hal abuurada.

Waxa iyana xusid mudan nidaamkii caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda daabacadda iyo hal abuuradda ee uu curiyay Berne Convention sanadkii 1887 , kaasi oo isna si weyn u muujiyay ilaalinta xuquuqdaasi isla markaana. Dawladaha Yurub iyo kuwa dunida kale ayaa xubno ka ah ururada ilaalintaxuquuqda daabcadda iyo hal abuurida.

 

Wakhtigan oo ay horumar balaadhan samaysy tiknooliyadda casriga ayaa iyana noqotay wakhti si  fudud loo kala xadayo qoraalada iyo suugaanta codka ah. Waxaana wakhtigan loo baahan yahay inuu noqdo wakhtigii loogu baahida badnaa xuquuqdaasi (Copy right) si loo dhiirgeliyo qorayaasha iyo hal abuurayaash. Dadka sida fudud u qaadanayana waa inay ogaadaann inay tahay tuugo qoraal oo la mid ah tuugada badeecooyinka kala duwan iwm.

Leave a Reply