Taliska Booliska oo ka Hadlay Dil Hargeysa ka Dhacay

0
366

Hargeysa(Dawan):- Taliska guud ee ciidanka booliska Somaliland,ayaa ka hadlay dil Hargeysa ka dhacay iyo siday uga hawl galeen fam dambiyeedkaas.

Taliska booliska ayaa sheegay in fal dambiyeed dil iyo dhaawac isugu jira oo habeenkii ay taariikhdu ahayd 23-kii bishan xilli dambe oo habeenimo ah in dil iyo dhaawac dhacay ay ka hawl galeen dilkaas oo  nin ku geeriyooday gabadh na ay ku dhaawacan tay.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska Somaliland oo dhacdadaas lagaga hadlay ayaa u dhignaa sidan. “Taariikhdu markay ahayd 23/7/2022 Abaaro 2:20 habeenimo waxa magaalada Hargeysa lagu dilay Marxuum la odhan jiray Cawaale Nuur Bilaal sido kalana dhaawac la gaadhsiiyey Haweenay ay wada socdeen Marxumka la dilay, kaas oo u dilkaasi gaystay gacan ku dhiile Cabdiqani rashiid Xasan.

Dhacdadaas markii uu ku war helay Boolisku waxay Saacad wax ka yar ku aqoonsadeen gacan ku dhigle Cabdiqani rashiid Xasan, waxayna boolisku ogaadeen jihada uu u baxsaday, iyo deegaanka uu ka soo jeedo.

saacadu markay ahayd 4 habeenimo isla wakhtigaas Taliyaha saldhiga new Hargeysa gaashaanle baashe aw dheer oo wata laba baabuur oo ciidanka boolisku leeyihiin ayaa ka daba shiraacdeen jihada koonfureed ee gacan ku dhiiglihu u baxsaday,isla sacadu markay ahayd 9 subaxnimo wuxuu gacan ku dhigluhu ka talaabay magaalo xuduudeeda laba sigaala oo koonfur bari ka xigta 120 km magaalada Hargeysa.

Intaas ka dib waxa gaashaanle baashe xidhiidh la sameeyay isagoo adeegsanaaya wada shaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan ee Booliska somaliland iyo booliska dowlada deegaanka, waxa halkaasi lagaga daray labadeeni gadhi ee Ciidanka Booliska JSL wateen gaadhi kale oo uu watay kornayl ciidanka dawlada deegaanka ah, waxayna 50 km u galeen Tuulada waaba cado oo ka tirsan dawlada deegaanka somalida Ethiopia, halkaas oo uu ku shidaal beelay gaadhigii uu watay gacan ku dhiigluhu intaas ka dib si ninka loo raadiyo ciidanku waxa uu bilaabay lug isla shalay 12 saacadood gudahood markuu dilku dhacay waxa lagu qabtay magaalada dhoobo guduud oo 50 km ku taal gudaha Ethiopia.

Intaa ka dib waxa mahada kowaad iska leh Ilaahay oo noo fududeeyay qabashada gacan ku dhiiglaha mahada labaadna waxa leh dadka shacabka ah ee labada dhinac ee sida fiican ula shaqeeyay labada Ciidan.

Sido kale waxa aanu u mahad-naqaynaa Ciidankii dawlada deegaanka iyo madaxdodii sida fiican ula shaqaysay Ciidanka Booliska JSL

Ugu dambayen waxaanu Hambalyeynaynaa Ciidankii Booliska iyo Taliyahodii ku soo guulaystay Hawlgalkaasi.”

 

Leave a Reply