“BBC-da Go’aanka aanu kaga Joojinay Shaqadu waa Go’aan Shacab”Wasiir Saleeban

0
486

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in go’aanka shaqada laga joojiyey Idaacadda BBC-du uu yahay mid ka dhashay dareen shacab oo in badan cabashadiisu socotay, isla markaana iyadoo la tix-gelinayo soo jeedinta iyo diidmada bulshada uu qaaday talaabadaasi, waxaanu sidaasi ku beyaamiyey hadal uu ka jeediyey kulan lagu qabtay magaalada Hargeysa maalintii shalay.

Wasiirka, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey asbaabaha uu u qaatay go’aanka ka dhanka ah BBC-da, waxaanu sidoo kale ka waramay sooyaalkii aasaaska Idaacaddaasi iyo farqiqa u dhexeeya xilligan iyo wakhtiyadii ay soo martay “xaqiiqdii saddexdii sannadood ee aan wasaaradda joogay waan arkayey dhibaatada ay Idaacadda BBC-du ku haysay dadka Somaliland oo ah in aanay dhexdhexaad ahayn wararka ay baahinaysaa oo iskaba daa inay dhexdhexaad noqotee waxay dacaayaddo fara badan  ka faafinaysay jamhuuriyadda Somaliland, taasoo aanu hayno caddeymo. Marar badan aniga iyo wasiirradii iga horeeyeyba waanu kala hadalnay oo dheg jalaq nooma ay siin” ayuu yidhi Wasiirka oo intaasi ku daray “ markaa haddii aanu talaabo ka qaadnay dambi maanu gelin. shacbiga Somaliland Gees ka gees qof kasta oo ila soo xidhiidha iyo mid kasta oo ii yimaadaa wuxuu I waydiinayey maxaad BBC-da wax uga qaban wayday”

Wasiirku waxa uu sheegay in maamulka Hay’addaasi warbaahineed ay noqdeen dad aan lahayn aqoon saxaafaddeed “BBC-du waxay noqotay meel dhalinyaro aqoon saxaafaddeed aan lahayn ay hogaamiyaan, hadday tahay Idaacadda iyo hadday tahay Telefishanba, taasina waxay keentay inay akhalaaqdii iyo dhexdhexaadnimadii war samaynta ay ka tagto”- “qofku wuu u xaglin karaa dhan, laakiinse waa ku ceeb inay si cad ula saftaan dhan, iyagoo ah Hay’ad 65 sannadood jirtay”

Mudane Saleeban Cali Koore wuxuu tilmaamay in laanta Afka-soomaaliga ee BBC-da halkii ugu horaysay ee laga aasaasay ay tahay Somaliland, isla markaana dadkii aasaasay iyo kuwii loo sameeyeyba ay ahaayeen dadka reer Somaliland, maadaama wakhtigaas dhulka Somaliland oo kaliya ay xukumaysay boqortooyadii Ingiriisku oo aanay jirin meel kale oo lagaga hadlo Soomaali oo ay haysatay. “innagoo og in Idaacaddaasi halkii laga aasaasay dalkeena tahay, ayeynu leenahay waar dhexdhexaad noqo, annaga noo shaqee ma lihine, waanay naga diiday oo tiroba afar wasiir ayaa hore ugala hadlay”

Wasiirku isagoo hadalka sii wata waxa uu cadeeyey “sidaas awgeed waa waxa qudha ee aan odhan karo waa go’aan shacbi in aan BBC-da ka saaro dalka. Mid madaxweyne ma ahayn, mid wasiirna ma ahayn ee umadda Somaliland gees ka gees qof aan ka canaynayn  BBC da maan arrag” – “BBC-da go’aanka aanu kaga joojinay shaqada waa go’aan shacab”ayuu yidhi.

Leave a Reply