Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Safiirka Midawga Yurub

0
232

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midawga Yurub Ambassador Tiina Intelmann oo booqasho ku joogta Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ku wehelinayey Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, iyada oo kulankan lagaga wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada guud ee nabadgelyo ee Geeska Afrika iyo arrimaha gaar ah Somaliland.

Si guud waxaa looga wadahadlay arrimaha doorashooyinka, Iskaashiga Midawga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxaa laga wadahadlay dhinaca horuumarka iyo doorka Midawga Yurub ka qaataan.

 

Leave a Reply