Wasiirka Beeraha oo Furay Shir lagaga Hadlayay wax soo Saarka Beeraha.

0
616

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa shalay  furay Shir lagaga hadlayo wax soo saarka Beeraha.

Kulankan oo socon doona muddo shan cisho ah ayaa lagu falaqayn doonaa waxa keenay in in wax la beeran waayo  ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame Aqoonka bartay Culuumta iyo Aagasime Waaxeedyada Wasaaradaaas.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo hadal ka jeediyay furitaankii Shirkan ayaa waxa uu sheegay in daraasad lagu samayn doono sababaha keenay in wax la  beeran waayo.Waxaana uu yidhi”Waa in daraasad aynu samayno maxaynu wax u beeran laa nahay maxay Beeraha usoo go, ilaayihiin Dhulkeenu waa dhul Barwaaqo ah, Biyihii Bada ayay inaga galayaan tacab kii maxaynu u samayn laa nahay waa in aynu iswaydiino,waxaana su,aalahaas iyo jawaabahu  ka soo baxayaan kulankan,”.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Beeraha ka shaqayn doonto wixii loo sameeyay.Waxaana uu yidhi”Wasaarada Beeraha waa in ay ku shaqaysaa wixii loo abuuray, sabtida ayaana la soo xidhi doonaa waa in aad u hagar baxdaan waa dal kiinii oo waa dad kiinii bad xidhan ayaa soo socda,cid kastaa bariiskii ay  beeranayeen way xidheen
dhulkeenu wuu dihin yahay  aqoontiina waynu leenahay tacabkii ayaa inaga maqan,”.

 

Leave a Reply