Barca oo Heshay Beddelka Busquets & Magacyada Saddex Ciyaartoy oo uu Xavi kala Dooranayo

0
426

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshay beddelka ruug-caddaageeda khadka dhexe ee Sergio Busquets oo ay da’diisu tahay 33 jir, kuna  jira sannadkii ugu dambeeyey ee heshiiskiisa Camp Nou oo uu hore u sheegay inuu doonayo inuu ka tago xagaaga foodda inagu soo haya.

Sergio Busquets oo ay adag  tahay in si fudud ay Barcelona  ku hesho beddelkiisa, ayaa waxa uu tababare Xavi Hernandez ku mashquulsan yahay sidii uu ku heli lahaa ciyaartoy booskaas u gala oo ugu yaraan si ku dhow u dheeli kara, maadaama aanay filayn ciyaartoy la mid ah ama ka wanaagsan.

Busquets oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barcelona, ayaa maarka uu dhamaado xilli ciyaareedkan 2022/23, waxay u badan tahay inuu u dhaqaaqo horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS oo ay kooxo dhawr ahi dalabyo sannado ah kasoo gudbinayaan.

Xavi ayaa la sheegay inuu sii calaamadsaday saddex ciyaartoy oo uu doonayo inay buuxiyaan booska Busquets, kuwaas oo dhamaantood hadda jooga garoonka Camp Nou oo aanu dibedda ka doonanayn.

Sida uu qoray wargeyska Mundo Deportivo, Xavi ayaa qorshaha muddada dheer ee beddelka Busquets u arka laacibka da’da yar ee Nico Gonzalez, hase yeeshee waxa bilowga hore booskaas la wareegi doona Miralem Pjanic oo kasoo noqday amaah balse waa haddii uu sii joogo.

Nico oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Barcelona, ayaa xilli ciyaareedkii hore usoo dallacay kooxda koowaad, waxaana kulamadii saaxiibtinimo ee Maraykanka  lagu tijaabiyey inuu ka ciyaaro booska Sergio Busquets, taas oo keentay in Xavi uu ku qanco kartida uu laacibkani u leeyahay inuu booskaas qaban karo.

Xavi ayaa sidoo kale isticmaali karaya Frenkie Kessie oo la sheegay inuu yahay ciyaartoyga waqtigan ugu dhow inuu ka ciyaaro booskaas, in kasta oo uu kaga wanaagsan yahay dhexda hore.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa sameeya taakallo, orod iyo kubbadaha oo uu si fudud dhexda uga gooyo, isaga oo dhinaca kale awood jidheed ku ciyaara.

Leave a Reply