Erik ten Hag iyo Guddida Man United oo Go’aankii la Sugayay ka Gaadhay Ronaldo

0
371

Erik ten iyo boodhka sare ee maamulka Manchester United ayaa qaaday go’aankii la sugayay kaddib markii uu xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo uu shalay kulan la yeeshay oo uu u sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago Old Trafford xagaagan, kaas oo inta uu yimid Carrington haddana iska weydaartay garoonka tababarka.

Xiddiga reer Portugal oo uu la socdo wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa shalay barqadii tegay xarunta Manchester United ee Carrington, waxaana halkaas uu kula kulmay Erik ten Hag, Sir Alex Ferguson iyo maamulka naadiga.

Kulankan oo sidii aanu hore idiinku soo gudbinay aan la isku afgaranin ayaa waxa Ronaldo iyo wakiilkiisu ay iskaga tageen Carrington, waxaanay jawaab ka sugayaan maamulka kooxda oo ay ka doonayaan in la iibiyo amaba si kale lagu fasaxo.

Kaddib markii uu kulankaasi soo dhamaaday, Erik ten Hag ayaa waxay kulan albaabadu u xidhan yihiin yeesheen Richard Arnold oo ah agaaismaha fulinta kooxda, Sir Alex Ferguson iyo xubno kale, waxaanay si gaar ah uga wada-hadleen arrinta Cristiano Ronaldo.

Tababare Ten Hag ayaa la sheegay inuu usoo jeediyey maamulka kooxda in loo ogolaado Ronaldo sida uu doonayo oo ah inuu iska tago oo la iibiyo, maadaama ay dhibaato ku noqonayso inuu qolka labbiska ku haysto ciyaartoy diiddan inuu naadiga sii joogto.

Ten Hag ayaa ku dooday inuu Cristiano Ronaldo qas ka  abuuri karo ciyaartoyda dhexdeeda haddii lagu cadaadiyo wax aanu doonayn, taasina dhibaato ku noqon doonto inuu hirgeliyo qorshihii ciyaareed ee uu diyaarsaday.

Leave a Reply